DASTUURKA QARANKA
QAYBTA KOOWAAD
TILMAANTA IYO MABAADIDA GUUD
XUBINTA 1AAD
TILMAANTA GUUD
QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
QODOBKA 3AAD
MAGAALO-MADAXDA
Magaalo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland waa HARGEYSA.
QODOBKA 4AAD
JINSIYADA
QODOBKA 5AAD
DIINTA
QODOBKA 6AAD
AFKA
QODOBKA 7AAD
CALANKA
Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo is leeg oo ballaadh u goglan, midabka sare waa Doogo, dhexdiisana ay ku qoran tahay LAA ILLAAHA ILLA-ALLAH MUXAMEDU RASUUL-ALLAAH oo Af-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo Xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah.
QODOBKA 8AAD
ASTAANTA
Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay "ALLAAHU AKBAR" oo far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay labadiisa kafadood hareeraha Galaydhka ka laaladaan. Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada Caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran "Bisinka" oo far Carabi ah.
QODOBKA 9AAD
HEESTA QARANKA
Heesta Qaranku waa mid muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka, caqiidada ummadda, hab-dhaqmeedka wada-tashi; waxaanay yeelanaysaa miyuusik u gaar ah oo ka duwan kuwa dalalka kale; waxaana lagu soo saarayaa xeer.
QODOBKA 10AAD
SINNAANTA MUWAADINIINTA
XUBINTA 2AAD
MABAADIDA GUUD
NIDAAMKA SIYAASADEED
QODOBKA 12AAD
XIDHIIDHKA DIBEDDA
QODOBKA 13AAD
DHAQAALAHA DALKA
QODOBKA 14AAD
WAX-SOO-SAARKA
Dawladu waxa ay dhiiri gelinaysaa wax soo saarka wadaniga ah sida; Beeraha, Xoolaha nool, Kalluunka, Macdanta, Faleenka, Xabagta iwm iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo-saarka wadaniga ah.
QODOBKA 15AAD
HANTIDA GUUD
QODOBKA 16AAD
KHAYRAADKA DABIICIGA AH
1. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa masuul ka ah dawlada dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurto gal ah si loo baadho, loogana faaiidaysto khayraadka ku jira Berriga iyo badda dalka. Ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu haboon ee looga faaiidaysan karo xeer ayaa qeexaya.
2. Dhulku waa hanti guud oo ka dhexeeya ummadda masuuliyaddiisana Dawladdaa leh.
QODOBKA 17AAD
BAANANKA
Dawladdu waxa ay yeelanaysaa Baan dhexe oo hogaamiya siyaasada iyo ilaalinta lacagta dalka. Waxa kale oo la suurto gelinayaa furitaanka Baanan Ganacsi iyo horumarineed iyada oo mudnaanta la siinayo kuwa gaar ahaaneed.
QODOBKA 18AAD
CASHUURTA IYO TAKAALIIFTA
QODOBKA 19AAD
RIBADA
Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh Bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reeban yihiin.
QODOBKA 20AAD
WAXBARASHADA
QODOBKA 21AAD
WAXBARASHADA AASAASIGA AH.
QODOBKA 22AAD
TIRTIRIDA AKHRIS-QORIS LAAANTA
Cidhibtirka akhris-qoris laaanta iyo waxbarashada dadka waaweyn waa waajib ummadeed, waana in shacab iyo dawladba awood la isugu geeyo fulinta waajibaadkaas.
QODOBKA 23AAD
HORUMARINTA CILMIGA IYO SUUGAANTA
QODOBKA 24AAD
DHALINYARADA IYO ISBOORTIGA
Si dhalinyarada loogu xaqiijiyo koritaanka jidhka iyo maskaxda oo caafimaad qaba, korna loogu qaado barbaarintoodaa iyo dareenkooda, dawladu waxa ay ahmiyad gaara siinaysaa horumarinta iyo dhiiri- gelinta ciyaaraha jidhka iyo Isboortiga, kuwaas oo loo aqoonsan doono maadooyinka aasaasiga ah oo ka mid ah manhajka waxbarashada dugsiyada dawladda iyo kuwa kale.
QODOBKA 25AAD
HORUMARINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA
QODOBKA 26AAD
DEGAANKA IYO WAX KA QABASHADA AAFOOYINKA
QODOBKA 27AAD
CAAFIMAADKA
QODOBKA 28AAD
DARYEELKA QOYSKA
Qoysku waa aasaaska bulshada Islaamka ah, waxaana tiir u ah Diinta, Anshaxa iyo Dhaqanka. Sidaa darteed, Dawladdu waxay iska xil-saaraysaa caafimaadka iyo daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka.
QODOBKA 29AAD
DARYEELKA CARRUURTA
QODOBKA 30AAD
DARYEELKA NAAFADA, WAAYEELKA IYO DADKA AAN XISKOODU KU FILLEYN
Dawladdu waxay xil iska saaraysaa daryeelka dadka naafada ah ama waayeelka aan isku filleyn, haysanna cid xannaanaysa iyo dadka aanu xiskoodu dhammayn.
QODOBKA 31AAD
SHAQADA IYO FARSAMADA
QODOBKA 32AAD
DARYEELKA SHAQAALAHA
QODOBKA 33AAD
CAYMISKA IYO BADBAADINTA
Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo badbaadinta shaqaalaha, waxaanay xoojinaysaa Hayadaha ku shaqada leh.
XUBINTA 3AAD
XUQUUQDA QOFKA, XORRIYADDA ASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA SAARAN MUWAADINKA
QODOBKA 34AAD
HIRGELINTA FASIRAADDA
QODOBKA 35AAD
XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE IYO BULSHO
Muwadin kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed, shaqaale, bulsho iyo hiddaha si waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka.
QODOBKA 36AAD
XAQA DOORASHADA
Muwadin kasta oo buuxiya shuruudaha sharcigu tilmaamayo waxa uu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto.
QODOBKA 37AAD
XORRIYADA DHAQDHAQAAQA
QODOBKA 38AAD
XORRIYADDA IS-ABAABULKA
QODOBKA 39AAD
XAQA NOLOSHA
Nafta Aadanuhu waa deeq Ilaahay, waana qaali; qof kastaana waxa uu xaq u leeyahay noloshiisa, waxaanu ku waayi karaa oo keliya marka Maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu sharcigu jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
QODOBKA 40AAD
XAQA NABADGELYEYNTA JIDHKA QOFKA
Qofku waxa uu xaq u leeyahay in la nabad geliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo waxyeelo kasta oo loo geeysto damiirka qofkuna waa reeban yahay.
QODOBKA 41AAD
XAQA XORRIYADA
QODOBKA 42AAD
CIQAAB IYO DEMBI
QODOBKA 43AAD
XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY
QODOBKA 44AAD
XAQA DACWADA IYO ISDIFAACA.
QODOBKA 45AAD
XURMAYNTA HOYGA
Hoyga iyo meelaha kale ee la deggen yahay waxa ay leeyihiin Xurmayntooda; mana banaana basaasidooda, baadhidooda iyo gelidooda, haddaanu jirin amar Garsoose oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo mulkiilaha ama deggenaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku-xad-gudubka amarka Garsooraha.
QODOBKA 46AAD
XORRIYADDA ISGAADHSIINTA.
Qofka lama fara-gelin karo qoraaladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladaha uu xeerku banneeyo baadhitaankooda, daba-galkooda, ama dhegeysigooda, iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar Garsoore oo sababaysan.
QODOBKA 47AAD
XORRIYADDA LAHAANSHAHA HANTI-GAAR AHAANEED
QODOBKA 48AAD
XORRIYADDA BANAAN BAXA IYO RAYI DHIIBASHADA
QODOBKA 49AAD
XAQA XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO NOLOSHA GAAR AHAANEED
Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcaddiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.
QODOBKA 50AAD
XORRIYADDA CAQIIDADA.
QODOBKA 51AAD
XORRIYADDA SAXAAFADDA IYO WAR-BAAHINTA KALE
Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxa ay ka mid yihiin xorriyadda aasaasiga ah ee rayi dhiibashada, waxaanay leeyihiin madax -bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.
QODOBKA 52AAD.
DAMMAANAD -QAADKA IYO SHURUUDAHA
XUQUUQDA XORRIYAADKA
QODOBKA 53AAD.
WAAJIBAADKA MUWAADINKA
QODOBKA 54AAD.
CIQAABTA GUDASHA LAAANTA WAJIBAADKA
Xeerka ayaa cadaynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasho laaanta waajibaadka ku xusan qodobka 53aad.
QODOBKA 55AAD
DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMAHA
Dembiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuq, dil Maxkamad laaan ah; jidh dilka, iwm, ma laha muddo dhaaf.
QODOBKA 56AAD
ISU-CELINTA EEDAYSANAHA AMA DEMBIILAHA IYO MAGAN-GELINTA SIYAASADEED
QODOBKA 57AAD
XUQUUQDA HAWEENKA
QODOBKA 58AAD
Uma bannaana Maxkamadaha fulinta Mabaadida Guud, hase yeeshee waxay hoggaamin u
yihiin Xukuumadda marka ay gudanayso xilkeeda la xidhiidha dhaqan-gelinta xeerarka.
QAYBTA LABAAD
QAAB DHISMEEDKA QARANKA
QODOBKA 59AAD
QARANKA, KARAAMADA IYO AWOODDA
XUBINTA 1AAD
WAAXDA XEER-DEJINTA
QODOBKA 60AAD
BAARLAMAANKA
b- sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo u madaxbanaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeeda.
T- In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhammaan xeerarka ay u baahan tahay dawlad islaam ah.
J. Hirgelinta Xeerrka u degsan Jamhuuriyadda iyo xaqiijinta taaba-galka caddaaladda oo saldhig u ah xasiloonida guud ee jamhuuriyadda iyo isu-kalsamaanta iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland.
QODOBKA 61AAD
FADHIYADDA WADAJIRKA AH EE LABADA GOLE EE BAARLAMAANKA
Labada gole ee Baarlamaanku, fadhiyo wada jir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid ka yihiin;
B - Dhegeysiga warbixinta madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada gole midkood.
T- Marka laga doodayo ku biirida Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan goboleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad goboleed ama caalami.
J - Goaaminta iyo ku dhawaaqida xaaladaha dagaal marka Jamhuuriyadda Somaliland la soo gudboonaado dagaal.
X - Ka doodista dhawrsanaan ka qaadida Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka.
KH- Doodaha ku saabsan Aafooyinka dabiiciga ah;
D- Doodaha la xidhiidha xeerarka degdega ah;
R- Doodda lagu ansixinayo magcaabida guddoomiyaha Maxkamada sare; iyo
Sh - Arrimaha kale ee 2da gole la haboonaada inay fadhi wada jir ah ka yeeshaan.
GOLAHA WAKIILADA
QODOBKA 62AAD
TILMAANTA GUUD EE GOLAHA
Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha, waana hayadda 1aad ee xeer dejinta dalka, ansixinta xeerarka, ogolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka.
QODOBKA 63AAD
TIRADA GOLAHA IYO DOORASHADIISA
Golaha Wakiiladu waxa uu ka kooban yahay 82 xubnood oo lagu soo doorto doorasho guud oo toos ah iyo cod bixin qarsoodi ah oo xor ah.
QODOBKA 64AAD
SHURUUDAHA QOFKA ISU TAAGAYA DOORASHADA
Qofka isu taagaya xubinnimada Golaha Wakiiladu waa in uu yeesho shuruudaha soo socda.
1. In uu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta Islaamka.
2. In uu muwaadin yahay, dadiisuna ayna ka yaraan 35 (shan iyo soddon) sano.
3. In uu jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa.
4. In uu leeyahay aqoon dugsi sare ama wax u dhigma ugu hoosayn.
5. Inaanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah, oo maxkamadda horteeda kaga caddaaday shantii sanno ee ugu dambeeyay.
6. Inuu yahay xilkaas, akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin.
7. Uma bannaana qof shaqaale dawladeed ahi inuu isu taago doorasho, haddaanu muddada xeerku cayimay ka hor, shaqo ka tegid codsan; taas oo in laga aqbalaana ay waajib tahay.
QODOBKA 65AAD
MUDDADA XILKA IYO XILLIGA DOORASHADA
QODOBKA 66AAD
XARUNTA GOLAHA WAKIILADA
Xarunta Golaha Wakiiladu waa magaalo madaxda.
QODOBKA 67AAD
ISUGU YEEDHIDDA GOLAHA CUSUB
QODOBKA 68AAD
FADHIYADA GOLAHA WAKILADA
1. Fadhiyada Golaha Wakiladu waa kuwo furan, kuwo xidhana way noqon karaan Xeer hoosaad baana nidaaminaya:-
2. Fadhiga Golaha Wakiiladu waxa uu ku furmi karaa marka ay joogaan kala badh in ka badani, marka laga reebo kuraasida bannaanaanshahooda la baahiyay.
3. Goaamada Goluhu waxa ay ku ansaxayaan hal dheeri xubnaha jooga fadhiga (aqlabiyad fudud), marka laga reebo xaaladaha dastuurku ama xeer hoosaadka goluhu uu u jideeyo aqlabiyad kale.
4. Dib-u-dhigid fadhi wuxuu ku ansaxayaa aqlabiyad fudud (hal dheeri); waxaana dib loo dhigi karaa ugu badnaan todoba (7) maalmood.
5. Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeenada waxa ku waajib ah in ay ka qayb galaan fadhiyada Golaha Wakiilada iyo guddiyadiisa haddii qoraal lagaga codsado sidaa; waxaanay xaq u leeyihiin in ay ka qayb qaataan doodda. Hase yeeshee xaq uma laha codayn. Sidoo kale, Madaxweynaha waxaa u bannaan in uu u wakiisho ku-xigeenkiisa ama Wasiir kasta ka qayb galka fadhiyada Golaha-wakiilada.
QODOBKA 69AAD
KAL-FADHIYADA IYO HABAYNTA GOLAHA WAKIILADA
1. Waxa Goluhu yeelanayaa 3 (saddex) kal-fadhi oo caadi ah sannadkiiba oo qaadanaya mudo 28 (sideed iyo labaatan) todobaad ah. Labadii kal fadhi waxa u dhexaynaya ugu yaraan 4 (afar) todobaad, ugu badnaana 8 (siddeed) todobaad.
2. Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiiladdu waxa uu ku qabsoomi karaa:-
b. Codsi ka yimid Madaxweynaha;
t. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo isugu yeedha.
J. 1/3 (saddex-meelood, meel) tirada xubnaha wakiilada oo qoraal ku codsada.
3. Kal-fadhigiisa ugu horreeya, waxa golaha wakiiladu ku ansixinayaa xeer-hoosaadkiisa; waxaanay ku dhisanayaan guddi-hoosaadyo inta uu u baahdo.
4. Khudbadda Qaranka waxaa jeedinaya Madaxweynaha kal-fadhiga u horreeya sanadkii walba. Waxay ka war bixinaysaa; siyaasadda, Barnaamijyada dawladda, dhaqaalaha iyo xaaladda lacageed iyo nabadgelyada.
QODOBKA 70AAD
MUSHAHARKA IYO GUNNADA GOLAHA WAKIILADA
Xubnaha golaha wakiiladu waxay yeelanayaan mushahar iyo gunno xeerku qeexo.
QODOBKA 71AAD
REEBBANAANTA QABASHADA XIL KALE IYO UGA FAAIIDAYSIGA XILKA DANO GAAR AH
Xubinta Golaha Wakiilada uma bannnaana in ay qabato xil kale oo qaran, iyada oo xilkii loo doortay haysa; umana bannaana inay uga faaiideysato xilkaasi dano gaar ahaaneed.
QODOBKA 72AAD.
DHAWRSANAANTA XUBINTA GOLAHA WAKIILADA
QODOBKA 73AAD
WAAYIDDA XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA.
Xubinimada golaha wakiilada waxaa la waayi karaa haddii.
QODOBKA 74AAD
BUUXINTA JAGADA GOLAHA WAKIILADA
Haddii ay banaanaato jagada xubin ka mid ah golaha wakiilada ka hor lixda bilood ee ugu dambeysa muddada xilka golaha, waxa loo soo buuxinayaa si waafaqsan xeerka, iyada oo xubinta cusubi ay dhammaystirayso muddada xilka golaha ka hadhay.
QODOBKA 75AAD
XOGHAYAHA GOLAHA WAKIILADA IYO LA-TALIYEYAAL
1- Golaha wakiiladu waxa uu yeelanaya xoghayn uu madax ka yahay xoghaye guud oo ka tirsanayn golaha Wakiillada, kana kaalmeynaya shir-gudoonka golaha; hawlaha xafiiska, dhammaan arrimaha maaliyadda iyo maamulka, wuxuuna yeelanayaa ku-xigeen.
2- Xoghaynta golaha wakiilada waxaa ka mid ahaanaya la taliye sharci oo buuxinaya shuruudaha Dastuurku u dhigay qofka garsoore ka noqon kara maxkamadda sare.
3- shaqaalaha kale ee xoghaynta waxaa shaqo gelinaya xoghayaha guud marka uu kala tashado hayadda shaqaalaha qaranka.
QODOBKA 76AAD
SOO BANDHIGIDA MASHRUUC SHARCI
Mashruuc sharci waxaa golaha wakiilada u soo bandhigi kara:
1- Golaha xukuumadda.
2- Tirada xubanaha Golaha wakiiilada ah ee xeer hoosaadka goluhu qeexo.
3- Muwaadiniin leh xaqa cod-bixinta, tiradooduna aanay ka yarayn 5000 (shan kun) oo qof, waxaana ka reeban mashruuc qaanuun maaliyadeed.
QODOBKA 77AAD
Mashruuc sharci waxaa uu xeer ku noqonayaa ansixinta Golaha Wakiilada; waxaanu
dhaqan-gelayaa ka dib marka uu Madaxweynuhu uu saxeexo sida ku cad Qodobka 60aad.
QODOBKA 78AAD
AWOODDA IYO WAJIBAADKA GOLAHA WAKIILADA
1- Waxaa waajib ah in uu ogolaansho golaha wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo wasiir, wasiir-ku-xigeen, iyo madaxda hayadaha dawladda, iyada oo la raacayo Dastuurka.
2- Golaha wakiiladu waxaa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax ka sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta barnaamijka xukuumadda.
3- Golaha wakiiladu waxa uu ansixinyaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo arroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo saarid ama wax-ka-bedelid qaanuun.
4- Golaha wakiiladu waxa uu u gudbinayaa golaha xukuumada tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta.
5- Ku -soo-rogidda dalka ama qayb ka mid ah xukun deg-deg ah waxa golaha xukuumaddu uu waydiisanayaa labada gole (Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida) ogolaansho.
6- Golaha wakiiladu waxa uu awood u leeyahay in uu u yeedho xukuumada ama hayadaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.
7- Guddiyada golaha wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay wasiirka ama madaxda hayadaha dawladda ama madaxda sare ee kale ee qaranka ee hawshoodu khusayso ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.
QODOBKA 79AAD
Awoodda xeer-dejinta ee Goluhu waa in ay gaadhsiisnaataa arrimaha Maaliyadda ee soo
socda:-
1- Jidaynta cashuuraha, takaliifta iyo tallaabooyin kale oo kor loogu qaadayo dakhliga.
2- Asaasidda kaydka dakhliga somaliland ama keydyo kale loo qoondeyey xaalado gaar ah. Habka loo maamulaayo, loogu ururinaayo iyo loogu bixinaayaba xeer baa nidaaminaya.
3- In la daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwa kale oo leh qiima damaanadeed.
4- Habaynta a nidaamyada dhaqaale iyo kuwa lacageed.
QODOBKA 80AAD
MIISAANIYADDA
1. Golaha Wakiiladu waxa uu ka doodi karaa, waxna ka beddeli karaa, miisaaniyadda; kuna ansixinayaa goaan gole.
2. Haddii ansixinta Miisaaniyadda cusubi dhamaan waydo ka hor bilowga sannad maaliyadeedka cusub, waxa lagu dhaqmayaa miisaaniyaddii hore inta ay ka soo baxayso miisaaniyadda cusubi.
3. Golaha Wakiilada ayaa oggolaanaya gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin.
4. Xeer ayaa caddaynaya habka soo diyaarinta miisaaniyadda guud iyo sannad-maaliyadeedka.
5. Xeer ayaa caddaynaya miisaaniyadda iyo xisaab xidhka hayadaha, wakaaladaha iyo shariikadaha dawladeed ama kuwa ay wax ku leedahay iyo u soo bandhigidooda golaha wakiilada.
6. Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka Miisaaniyaddii guud ee dhammaatay muddo aan ka badnayn lix bilood, oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad maaliyadeedka, iyada oo Golaha Wakiiladu ka doodayo, goaanna soo saarayaan.
7. U soo bandhigida xisaab-xidhka Miisaaniyadda waxaa u xil-saaran hanti-dhawraha Guud.
QODOBKA 81AAD
KALA DIRIDDA GOLAHA WAKIILADA
Golaha Wakiilada waxa la kala diri karaa:-
1. Marka uu fadhiisan waayo laba kal-fadhi oo caadi ah oo isku xiga, iyada oo aanay keenin duruuf awoodooda ka baxsani.
2. Marka ay soo jeediyaan inuu kala dirmo 1/3 (saddex meelood, meel) tirada xubnaha Goluhu; iskuna raacaan 2/3 (saddex meelood laba) tirada guud ee xubnihiisa.
3. Xaaladaha ku xusan faqradda (1) iyo (2) ee qodobkan waxa goaan ka soo saaraysa Maxkamadda Dastuurka, iyada oo xaaladda ku xusan faqradda (1aad) uu Maxkamaddu u soo gudbinayso Madaxweynaha, xaaladda ku xusan faqradda 2aadna Golaha Wakiiladu.
4. Golaha Wakiilada waxa kale oo kala diri kara Madaxweynaha, ka dib marka uu dadweynuhu sababaha uu ku dhisay kala diriddooda ku oggolaado afti-qaran oo ay qaban-qaabiso Maxkamadda Dastuuriga ahi.
5. Madaxweynuhu marka uu arko goaanka Maxkamadda Dastuurka ee ay ka soo saarto xaaladda ku xusan faqradda (1) ama (2) ee qodobkan, amma natiijada aftida dadweynaha ee ku xusan faqradda (4) ee qodobkan, waxa uu ku soo saarayaa Xeer-Madaxweyne kala diridda golaha wakiilada, isaga oo isla markaa baahinaya taariikhda doorashada golaha cusub oo ku qabsoomaya 60 (lixdan) maalmood gudahood.
6. Haddii aftida Qaranku taageeri waydo kala diridda golaha wakiilada, amma doorashadu qabsoomi weydo, golihii hore ayaa xilka haynaaya.
7. Ma bannaana kala diridda Golaha Wakiiladu sannadka u horeeya ee Golaha iyo sannadka u dambeeya ee muddada xilka Madaxweynaha.
QODOBKA 82AAD
SOO SAARIDDA, FAAFINTA IYO DHAQAN-GELINTA XEERKA
Xeerarka waxa uu Madaxweynuhu ku soo saarayaa, kuna baahinayaa faafinta rasmiga ah saddex todobaad (21 maalmood) gudahood, laga bilaabo maalinta Golayaashu u soo gudbiyaan; waxaanay ku dhaqan-gelayaan soddon (30) maalmood gudahooda oo laga bilaabo maalinta la baahiyey, iyada oo ay bannaan tahay in muddada dhaqan-galka lagu gaabiyo ama lagu dheereeyo xeerka gudihiisa.
XUBINTA 2AAD
GOLAHA GUURTIDA
QODOBKA 83AAD
TILMAANTA GUUD EE GOLAHA
Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo ah Golaha Odayaasha, waa hayad 2aad ee sharci-dejinta, waxaanu dib u eegaa xeerarka ka soo baxa Golaha Wakiilada intaan Madaxweynaha loo gudbin wuxuuna gaar u leeyahay dejinta xeerka ku saabsan diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.
QODOBKA 84AAD
DOORASHADA XUBNAHA GUURTIDA IYO MUDDADA XILKA
1. Xubnaha Golaha Guurtida waxa lagu soo dooranayaa doorasho habka doorashadana waxaa nidaaminaya Xeer.
2. Mudada xilka Golaha Guurtidu waa lix (6) sano, oo ka bilaabmaysa maalinta fadhiga koowaad qabsoomo.
QODOBKA 85AAD
SHURUUDAHA QOFKA LOO SOO DOORANAYO XUBINIMADA GOLAHA GUURTIDA
Qofka loo soo dooranayo xubinimada Golaha Guurtida waa in uu yeesho shuruudaha qofka isu taagaya xubinnimada Golaha Wakiilada, marka laga reebo dada iyo heerka aqoonta oo noqonaya sidan hoos ku xusan:-
1. Inaan dadiisu ka yaraan 45 (shan iyo afartan) sano;
2. In uu yahay qof diinta aqoon fiican u leh, amma oday dhaqan yaqaan ah.
QODOBKA 86AAD
TIRADA GOLAHA GUURTIDA
2. Xilli kasta waxaa ku kordhaya tiro xubno sharaf ah oo kala ah:-
b. Shan xubnood oo Madaxweynuhu ku soo xulo tilmaamo gaar ah oy Qaranka u yeesheen; waxayna muddada xubinimadoodu la cimri tahay muddada xilka Golaha.
T. Qof kasta oo horay guddoomiye uga noqday Golaha Guurtida ama Golaha Wakiilada.
J. Qof kasta oo hore Jamhuuriaydda Somaliland uga soo qabtay xilka Madaxweyne iyo Madaxeyne-ku-xigeen.
X. Xubno sharafku Golaha cod kuma leh, mana geli karaan guddida joogta ah
QODOBKA 87AAD
XOGHAYAHA GOLAHA IYO LA-TALIYAYAAL
Golaha Guurtidu waxa uu yeelanayaa Xoghaye aan xubin ka ahayn Golaha. Waxa kale oo uu yeelan karaa la-taliyayaal uu ka mid yahay la-taliye sharci. Dhismaha Xoghaynta Golaha Guurtida waxay la mid tahay ta Golaha Wakiilada.
QODOBKA 88AAD
FADHIGA UGU HORREEYA EE GOLAHA GUURTIDA
Fadhiga ugu horeeya ee Golaha Guurtidu wuxuu qabsoomayaa 30 (soddon) maalmood gudahood ka dib maalitna la soo dhamaystiro xulashadiisa, waxaana furaya oo dhaarinaya guddoomiyaha Maxkamada sare, waxaana shirkaas guddoominaya xubinta uggu daweyn inta laga dooranayo guddoomiye rasmi ah iyo labadisia ku xigeen.
QODOBKA 89AAD
XEER HOOSAADKA GOLAHA
Kalfadhiga ugu horreeya ee Golaha guurtida waxa uu ku ansixinayaa xeer-hoosaadka Golaha .
QODOBKA 90AAD
AWOODDA IYO WAJIBAADKA GOLAHA GUURTIDA
QODOBKA 91AAD
MUSHAHARKA IYO GUNNADA GOLAHA GUURTIDA
Xubnaha Golaha Guurtidu waxa ay yeelanayaan Mushahar iyo gunno xeerku qeexo.
QODOBKA 92AAD
DHAWRSANAANTA XUBINTA GOLAHA GUURTIDA
Dhawrsanaanta xubinta Golaha Guurtidu waxa ay la mid tahay ta xubinta Golaha wakiilada iyada oo dhawrsanaanta -kaqaadista uu leeyahay Golaha Guurtidu .
QODOBKKA 93AAD
SHAQO-KA-TEGIDDA XUBINTA GOLAHA GUURTIDA
Xubinta Golaha guurtidu waxa ay u gudbin kartaa shaqo-ka-tagideeda Golaha Guurtida, isagaana ka ogolaanaya.
QODOBKA 94AAD
WAAYIDA XUBINIMADA GOLAHA GUURTIDA.
QODOBKA 95AAD
KALA DIRIDA GOLAHA
kala diridda Golaha Guurtida waxaa loo kala diri karaa habka loo kala diri karo Golaha wakiilada
REEBANAANTA QABASHADA XIL KALE IYO DANO GAAR AH
Xubinta golaha guurtida uma bannaana in ay qabato xil kale oo Qaran iyada oo xilkii loo xulay haysa ; umana bannaana inay xilka uga faaiidaysato dano gaar ahaaneed.
QODOBKA 97AAD
FADHIYADA IYO KALFADHIYADA
Fadhiyada Golaha Guurtida waa kuwo furan; waxaana ay noqon karaan kuwo xidhan sida ku cad Dastuurka. Tirada ay fadhiyadu ku furmi karaan; Aqlabiyadda ay goaamadiisu ku ansixiyaana; iyo cidda isugu yeedhi karta kal-fadhiyada aan caadiga ahayn, waxa ay la mid yihiin habka golaha wakiilada.
QODOBKA 98AAD
BANNAANAANSHAHA JAGADA GOLAHA GUURTIDA IYO SOO BUUXINTEEDA
QODOBKA 99AAD
HABKA LOO RAACO XEER DEJINTA
QODOBKA 100
b. Oggolaan kara ama wax-ka-bedelid soo jeedin kara. c. Haddi Golaha Wakiiladu mashruuc-sharcigaas oggolaan waayo, ku noqosho ma laha. 4. Haddi uu sbabaha uu Mdaxweynuhu cuskaday Goluhu ku qanci waayo, oo
mashruuc-sharcigaas uu mar labaad ku ansixiyo aqlabiyad 2/3 (Saddex-meelood, laba) Xubnaha
Golaha, mashruuc-shracigaas waa inuu Madaxweynuhu aqbalaa. Haddiise aqlabiyadu intaas ka
yaraato, mushruuc shracigaasi wuu burayaa. 5. Mashruuc-sharci uu Golaha Wakiilau Oggolaado aan ahayn mashruuc-sharci maaliyadeed
oo Golaho Guurtiddu nuxurkiisa (Principle) ku diido aqlabiyad saddex meelood laba meelood
(2/3) (saddex meelood laba) xubnaha Golaha, haddii Golaha Wakiildu ku qanci waayo
diidmadaaso oo ma labaad ku ansixiyo aqlabiyad ka yar 2/3 (saddex-meelood lab) xubnah
golaha, mashruuc-shracigaasi wuu buryayaa. QODOBKA 101AAD Xarunta Golaha Guurtidu waa magaalo madaxda QODOBKA 102AAD Hase yeeshe, lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo xabsi, ilaa xubinta ama
xubnaha laga xayuubiyo dhawrsanaanta xilka ay ummadda u hayeen. Waxa dacwadaas dhegeysigeeda awood u leh Mahkammadda Sare ee
Cadaalladda (High Court of Justice). QAYBTA SADDEXAAD QODOBKA 103AAD Qaranku waxa uu yeelanayaa waaxda fulinta , oo ka gaar ah kana madax banaan waaxyaha
xeer-dejinta iyo Garsoorka . QODOBKA 104AAD QODOBKA 105AAD QODOBKA 106AAD Shuruudaha qofka loo dooranayo Madaxweyne ama Madaxweyne-ku-xigeen Waxa Madaxweyne loo
dooran karaa qofka buuxiya shuruudaha soo socda :-
QODOBKA 107AAD 1-Waxaa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka lagu dooranayaa qaabka doorashada guud oo toos ah;
isla markaana qarsoodi ah iyaga oo isku-lammaan. 2- Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka isku mar loo codaynayo kuna salaysan habka u
codaynta liistada , waxaa la qaban doonaa bil ka-hor dhammaadka muddada xilka madaxweynaha
hore. QODOBKA 108AAD QODOBKA 109AAD 1- Uma bannaana Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo marwooyinkooduba in ay galaan
ganacsi muddada ay xilka hayaan. QODOBKA 110AAD 1. Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka waxa qoraal xil-ka-tegis ah uu u gudbin
karaa Guddoomiyaha golaha Wakiilada iyo Gudoomiyaha Golaha guurtida; waxaana labada gole
fadhi wada jir ah ku ogolaan karaan ama ku diidi karaan aqlabiyad tirada guud ah. QODOBKA 111AAD Mushaharka, gunnada iyo hantida dawladda ee ay madaxweynaha iyo QODOBKA 112AAD 1- Muddada xilka ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynuhu waa 5 sano oo ka
bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo. QODOBKA 113AAD Waxa jagada Madaxweynaha ama ku-xigeenka Madaxweynuhu bannaanaan kartaa haddii ay
dhacdo xaalad ka mid ah xaaladaha hoos ku sheegan. QODOBKA 114AAD Waxaa xubintu muddada Dastuuriga ah hayn doonaa xilka loo magacaabay, isla markaana
waayi doonaa xubinimadii golaha wakiilada. 2- Sidoo kale marka xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 113aad ay ku timaado
Madaxweyne-ku-xigeenka waxa uu Madaxweynuhu u magacaabayaa madaxweyne-ku-xigeen xubin ka
tirsan Golaha wakiilada , oo 2da gole oggolaadeen. Waxa uuna mudanaha xilka loo magacaabay
hayn doonaa jagadaas muddada xilka ka hadhay, iyada oo ay bannaanaan doonto jagadii
wakiilnimada, haddiiba ay golayaashu diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne
ku-xigeenka waxaa waajib ku ah in uu mudane kale ku magacaabo muddo 30 maalmood ah
gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda diidmada G olayaasha . 3. Haddiiba ay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa isku hal mar ku timaado xaalad ka mid ah
xaaladaha ku sheegan qodobka 113aad , waxaa xilka Madaxweynaha si- ku-meel gaadha u sii
haynaya guddoomiyaha golaha guurtida. waxaana doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa
lagu qaban doonaa muddo 60 maalmood ah gudahood, oo ka bilaabmaysa maalinta ay xaaladdu
sugnaatay. XUBINTA 2AAD QODOBKA 115AAD Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka
tirsan Jamhuuriyadda Somaliland . Waxa uu u xil-saaran yahay daryeelka haybadda dalka;
ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo habsami u socodsiinta maamulka dawladda.
Si uu u gudan karo xilalka kor ku sheegin, waxa uu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo
socda ; QODOBKA 116AAD Madaxweyne-ku-xigeenka Qaranku waxa uu awood u leeyahay; 1-Ku-simidda xilka Madaxweynaha marka uu Madaxweynuhu maqan yahay ama uu buko. 2- Gudashada hawlaha uu Madaxweynuhu u egmado. 3- Qabashada xilka Madaxweynenimo marka ay jagadu banaanaato sababahan darteed; b- Is-casilaad (xlika-tagid) Madaxweynaha; t Xukun dambi ah oo xilka lagaga xayuubiyey; j- Marka uu hawsha loo doortay u gudan kari waayey caafimaad-darro darteed iyo; x- Geeri ku timaada. QODOBKA 117AAD 1-Marka ay soo ifbaxaan xaalado gaar ah oo halis gelin kara nabadgelyada dalka; khatar
ku noqon kara xeerka iyo nidaamka; khalkhal ku abuuri kara xasiloonida guud ama kalsoonida
dhaqaale, iyada oo aan golaha wakiiladu fadhi lahayn ama haddiiba uu fadhiyo, aanu awoodi
karayn qaadashada goaan gaadhis degdeg ah sida ay ugu muuqato Madaxweynaha inay ku
haboon tahay; waxaa Madaxweynuhu soo saarayaa xeerar degdeg ah, oo loogu talo galay in
lagu joojiyo khataraha kor ku sheegggan. Waxaa waajib ah in muddo aan ka badnayn todoba (7) maalmood ay ku oggolaadaan 2da guddi
joogto xeerarka deg-deg ah. Haddiiba ay guddiyadu diidaan, waxaa loo bandhigi doonaa
labada gole oo wada jir u fadhiista muddo aan ka badnayn (45) maalmood gudahood marka ay
guddiyadu diideen; waxaana ay ku oggolaan karaan cod haldheeri ah oo gacan taag ah (Simple
majority). 2- Xeerarka degdega ahi waxa ay yeelan doonaan awoodda xeerarka ka soo baxa golaha
wakiilada iyo golaha guurtida oo kale waxa ayna dhaqan gelayaan marka uu saxeexo
Madaxweynuhu. 3- Waxa xeerarka degdegga ah dib-u-eegidda ay 2da gole ku samayn doonaan 6dii bilaadba
hal mar, iyaga oo goaankoodu ku salaysnaan doono cod hal ka dheeriga ah (Simple
Majority). QODOBKA 118AAD 1- Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa leh hab-maamuuska koowaad ee Qaranka. 2- Guddoomiyaha golaha guurtida ayaa leh hab-maamuuska ku xiga. 3- Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa leh hab-maamuuska saddexaad ee Qaranka. XUBINTA 3AAD 1- Golaha Wasiiradu waxa ay Madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa iyaga oo
wada jir u goaamin doona siyaasadda guud, qorshayaasha iyo barnaamijyada dawladda 2- Waxaa Wasiirada iyo Wasiir-ku xigeennada magacaabi kara ama xilka ka qaadi kara
Madaxweynaha, waxaa magacaabidooda la hordhigayaa golaha wakiilada oo ay fadhigaas joogaan
kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo ku oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri
ah (Simple Majority), oo gacan taaga ah. 3- Sodon (30), maalmood gudahood marka golaha wakiiladu ansixiyaan magacaabidda wasiir
ama wasiir-ku-xigeen, waxaa xilka u dhaarinaya guddoomiyaha Maxkamadda sare iyada oo uu
goob-joog yahay Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenku, haddii uu Madaxweynuhu ka maqan
yahay dalka ama uu buko. 4- Wasiirada ama wasiir-ku-xigeenadu ma qaban karaan shaqo kale oo ka baxsan tan
qaranka. 5. b- Qofna looma magacaabi karo wasiir ama wasiir-ku xigeen, haddii aanu buuxin
shuruudaha ku xidhan qofka loo dooranayo golaha wakiilada. t- Looma magacaabi karo wasiir ama wasir-ku-xigeen xubin ka tirsan golaha wakiilada ama
golaha guurtida. 6- Wasiirka waxa loo xil saari-karaa hal wasaarad ama in ka badan. 7. Madaxweynaha ayaa guddoomin doona fadhiyada golaha wasiirada ee caadiga ah iyo kuwa
aan caadiga ahayn. 8- Lama xidhi karo wasiir ama wasiir-ku-xigeen haddii aan lagu qaban isaga oo faraha
kula jira dembi ciqaabtiisu gaadhayso saddex sano ama aanu Madaxweynuhu ka qaadin
dhawrsanaanta, isaga oo ku qancay soo jeedin uu soo bandhigay Xeer-ilaaliyaha guud. QODOBKA 120AAD 1- Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka istiqaalad ku dhiiba ama xilka laga fadhiisiyo isaga
ayaa xilka sii haynaya inta bedelkiisu ka tirsanayo. 2- Waxaa ka reeban, muddada uu wasiirku ama wasiir-ku-xigeenku sugayo in xilka laga
tiriyo, in uu cid xil u magacaabo ama heshiis magaca wasaradda cid kale kula galo. QODOBKA 121AAD 1- Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka lagu soo oogo dambiyada kala ah; b- Khiyaamo qaran (High Treason); ama t- ku-xad-gudub Dastuurka. Waxaa xeer-ilaaliyaha guud u gudbin doonaa golayaasha (wakiilada iyo guurtida). Waxaa
golayaashu wada jir uga fadhiisan doonaan Eeda uu xeer-ilaaliyaha guud u soo bandhigay,
iyaga oo cod saddex meelood laba ahaan tirada guud ee labada gole kaga xayuubinaya
maamuuska xafiiska, ka bacdi marka ay cod bixintaa ku muujiyaan in Madaxweynaha ama /iyo
ku- xigeenkiisa ay jirto dacwad dembiyada ku sheegan qodobkan oo ay waajib tahay in
maxkamad horteed difaac loo bandhigo (Prima Facie Case). 2- Waxa kale oo ku soo oogi kara Madaxweynaha ama /iyo ku-xigeenkiisa dambiyada ku
xusan faqradda 1aad ee qodobkan ugu yaraan saddex meelood meel (1/3 ), xubnaha ka tirsan
labada gole (wakiilada iyo golaha guurtida, iyaga oo eedaynta u gudbin doona labada
guddoomiye. Waxaa labada guddoomiye qaban doonaan fadhi wada jir ah oo ay arrintaa kaga
doodaan; iyaga oo ku oggolaan kara qaabka ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan. 3- Haddii xeer- ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo wasiir ama wasiir-ku-xigeen dembi ka mid
ah dambiyada ku sheegggan faqradda 1aad ee qodobkan, waxaa war-bixinta eeddaa uu xeer
ilaaliyaha guud u gudbin doonaa Madaxweynaha, haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta
xeer-ilaaliyaha guud, waxaa uu wasiir ama wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa
dhawrsanaanta. Haddii uu ku qanci waayo war-bixinta xeer-ilaaliyaha guud, waxaa uu u
bandhigi doonaa golaha wakiilada, oo ku oggolaan kara ama ku diidi kara eedda cod hal
dheeri ah., 4 - Waxaa eedda la xidhiidha Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka, wasiirada qaadi
doonta Maxkamadda sare ee caddaaladda (High Court of Justice ); Maxkamaddaas oo ka kooban
guddoomiyaha Maxkamadda sare, afar Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda sare iyo afar xubnood
oo ka tirsan golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida), oo gole waliba soo doorto laba xubnood. QAYBTA 4AAD
b- oggolaan kara ama wax ka bedel soo jeedin kara .
t- Haddii golaha Guurtidu oggolaan waayo , ama wax-ka-bedelidda uu soo jeediyey golaha
wakiiladu ku qanci waayo , golaha wakiiladu waxaa uu xaq-u-leeyahay in mashruuc-sharcigu
kalfadhiga xiga ee Golaha guurtida dib- ugu-celiyo.
Haddii markaas uu golaha guurtidu oggolaan waayo ama ku soo jawaabi waayo bil gudaheed
mashruuc-sharcigu wuu ansaxayaa , sidaas ayaana madaxweynaha loogu gudbinayaa.
XARUNTA GOLAHA GUURTIDA
EEDEYNTA XUBNAHA GALAYAASHA
WAAXDA FULINTA.
MADAXWEYNAHA & KU-XIGEENKA
Waaxda fulinta ( oo mararka qaarkood loogu yeedho "Xukuumadda") waxaa
Madax ka ah Madaxweynaha , waxaanay ka kooban yihiin;
- Madaxweyne-
- Madaxweyne-ku-xigeen;
- Wasiiro; iyo
- Wasiir-ku-xigeenno
Madaxweynuhu waxa uu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale .
SHURUUDAHA QOFKA LOO DOORANAYO MADAXWEYNE AMA MADAXWEYNE-KU-XIGEEN
HABKA DOORASHADA
3- Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u
xilsaarayeen ilaa Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah
gudahood.
4- Waxaa loo aqoonsanayaa inay doorashada Madaxweynenimada iyo ku-xigeenka ku guulaysteen
labada qof ee magacyadoodu ku sheeggan yihiin liistada hesha codadka ugu tirada badan.
5- Haddii ay suurtoobi waydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada dartood, in la qabto
doorashada Madaxweynaha iyo -ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato
waxaa golaha guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo
ku-xigeenkiisa, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku
qabsoomi karto.
Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxa lagu dhaarinayaa ka-hor intaanay xilka la wareegin ,
xaflad ay goob-joog ka yihiin madaxda golayaasha wakiilada iyo guurtida iyo guddoomiyaha
Maxkamadda sare
WAXYAABAHA KA REEBAN MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKIISA
2- Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo (30) cisho oo isku xiga muddo ka badan sabab
caafimaad mooyaane.
Haddiyadaha la siiyo Madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha iyo haweenkooda iyo madaxda
sare ee Qaranka; iyada oo lagu maamuusayo xilka ay hayaan waxaweeye hanti Qaran.
HABKA UU MADAXWEYNUHU XILKA UGA TEGI KARO
2- Haddiiba ay golayaashu diidaan codsiga xil-ka-tegidda ee ku sheegan farqadda (1) ee
qodobkan waxaa Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenku xaq u yeelanayaa in uu mar labaad
keensado dalabka xil-ka-tagida ah muddo aan ka badnayn saddex bilood markii uu codsiga
hore qortay; waxaana waajib ku ah labada gole in ay xil-ka-tegida ka ogolaadaan.
MUSHAHARKA IYO GUNNADA
-ku-xigeenkiisu ku dhaqmaan waxaa qeexaya xeer.
MUDADA XILKA
2- Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.
BANNAANAANTA JAGADA
b- Is-casilaad (Xil-ka tegid).
t- Xukun dambi ah oo xilka lagaga xayuubiyo.
j-Hawshii oo uu caafimaad darro awgeed u gudan kari waayey.
x- Geeri ku timaada.
HABKA BUUXINTA JAGADA BANNANAATA
AWOODAHA MADAXWEYNAHA
1- Hoggaaminta siyaasadda guud ee xukuumadda.
2- Magacaabida iyo xil-ka-wareejinta xubnaha golaha wasiirada.
3- Magacaabida iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee dawladda marka uu la tashado wasiirka
ku shaqo leh; isla markaana tixgeliyo dastuurka iyo xeerarka u gaarka ah. Waxa madaxda
sare ee dawladda loola jeedaa:-
b- Hanti-dhowraha guud:
t- Guddoomiyaha Baanka dhexe;
j. Guddoomiyaha iyo guddiga hayadda shaqaalaha dawladda;
x- Xisaabiyaha guud;
kh- Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hayadaha;
d- Taliyayaasha ciidamada iyo ku-xigeenadooda;
r- Dan-jirayaasha;
s- Xeer-ilaaliyaha guud.
sh- Saraakiisha sare ee kale oo xeer ka soo baxay golayaasha xeer-dejintu awood u siinayo
magacaabistooda iyo xil-ka- wareejintooda.
4- Hogaaminta ciidamada Qaranka maadaama uu yahay Taliyaha guud (Commander-in-chief)
5- Ogolaanshaha cafiska iyo saamaxaada , oo ay ka reeban yihiin qisaasta iyo xuduudda
shareecada islaamka , iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, ka dib marka uu la tashado
hayadaha ku shaqada leh.
6- Saxeexa heshiisyada caalamig ah.
7- ka qayb-gelidda shirarka caalamiga ah, isaga oo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland .
8- Qaabilaadda Dibloomaasiyiinta shisheeye iyo ka qabashada waraaqaha aqoonsigooda
(Credentials).
9- Magacaabida Danjirayaasha u jooga Jamhuuriyadda Somaliland dalalka shisheeyaha ah,
ururada caalamiga ah iyo gobolada adduunka.
10- Bixinta Astaamaha xurmo iyo sharaf ee ay ka mid ka yihiin Biladaha .
11- Caddaynta xaalad dagaal ; isla markaana ku dhawaaqidda xaalad degdeg ah.
12- Fulinta xeerarka aan waaxda garsoorka awoodaheeda hoos iman iyo ;
13- Awoodaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka kale.
AWOODAHA MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
AWOODAHA KALE EE MADAXWEYNE EE LA XIDHIIDHA XEERARKA DEGDEGA AH
HAB-MAAMUUSKA MADAXDA SARE
GOLAHA WASIIRADA
SII HAYNTA XILKA
EEDAYNTA IYO MAAMUUS-KA-XAYUUBINTA MADAXWEYNAHA, KU-XIGEENKIISA IYO WASIIRADA
XUBINTA 1AAD
WAAXDA GARSOORKA
1- Waxa Qaranku yeelanayaa waax Garsoor, oo hawsheedu tahay u garnaqa ka dhexeeye dawladda iyo dadka iyo dadka dhexdooda.
2- Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madaxbanaan waaxyaha kale ee Qaranka.
QODOBKA 123AAD
1- Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay;-
b- In uu ka turjumo micnaha Xeerarka ka soo baxa Golayaasha Dastuuriga ah iyo Xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka.
t- In uu ka taliyo khilaafka ka dhex abuurma laamaha dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.
j - In uu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka.
Ma bannaana in Garsooruhu qabto shaqo kale inta uu hayo xilka garsoorka.
Daryeelka ku habboon Garsooreyaasha xeer baa nidaaminaya.
QODOBKA 124AAD
DHISMAHA GARSOOKA
1- Hayadaha Garsoorku waxa ay ka kooban yihiin Maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta.
2- Garsoorayaasha Maxkamadaha iyo xeer-ilaaliyayaashoodu waxay u madax-baannaan yihiin hawshooda garsoor iyaga oo tixgelinaya sharciga oo kaliya.
QODOBKA 125AAD
MAXKAMADAHA
Maxkamadaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka kooban yihiin :-
1- Maxkamadda sare;
2- Maxkamadaha Racfaanka;
3- Maxkamadaha Gobollada;
4- Maxkamadaha Degmooyinka; iyo
5- Maxkamadaha Ciidamada Qaranka.
QODOBKA 126AAD
MAXKAMDDA SARE
Maxkamadda sare waa hayadda ugu sareysa Garsoorka; isla markaana waxa ay tahay Maxkamadda Dastuurka. Tirada Garsoorayaashu waa in aanay ka yaraan guddoomiyaha iyo afar garsoore; waxaana nidaaminaya xeer gaar ah.
QODOBKA 127AAD
MAXKAMADAHA HOOSE
Magacaabidda Garsoorayaasha iyo habka shaqada Maxkamadaha hoose, (Maxkamadaha Racfaanka, Gobolada iyo degmooyinka), waxaa nidaaminaya xeer gaar ah.
QODOBKA 128AAD
XEER-ILAALINTA
Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranku waxa ay ka kooban tahay xeer-ilaaliyaha guud iyo ku-xigeennadiisa.
QODOBKA 129AAD
MAXKAMADAHA CIIDAMADA IYO XEER-ILAALINTOODA
1- Maxkamadaha Ciidamadu waxa ay gaar u yihiin dhegeysiga dembiyada ciqaabta ee lagu oogo xubnaha ciidamada Qaranka xaaladaha nabadda iyo dagaalka.
2- Maxkamadaha ciidamada iyo xeer-ilaalintooda waxaa nidaaminaya xeerar gaar ah.
QODOBKA 130AAD
MAGACAABIDA GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE IYO GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA SARE
1- Madaxweynuhu isaga oo la tashanaya Guddiga cadaaladda, waxa uu magacaabayaa guddoomiyaha Maxkamadda sare, iyo garsoorayaasha Maxkamadda sare, iyada oo la tixgelinayo:- heerka waxbarasho, waayo-aragnimo xirfadeed iyo suubanaanta akhlaaqeed. Magacaabidda Guddooiyaha Maxkamadda waxaa ansixinaya golayaasha (Wakiilada iyo guurtida) oo fadhi wada jir ah yeesha muddo aan ka badnayn (3) bilood marka laga bilaabo taariikhda magacawga. Waxaa ku xigeenka guddoomiyuhu noqon doonaa Garsooraha dhinaca derejada ugu derejo sareeya Garsoorayaasha ka tirsan Maxkamadda Sare (Seniority).
2- Ma bannaana in loo magacaabo xilka guddoomiyaha Maxkamadda sare qof aan buuxin shuruudaha hoos ku sheeggan.
b- Waa in uu yahay muwaadin ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.
t. Waa in uu haystaa shahaado Jaamacadeed oo barasho sharciga ah, kana qalin jabiyey Jaamacad ay aqoonsan tahay Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland.
j. Waa in uu leeyahay waayo-aragnimo xirfadeed oo aan ka yarayn isugeyn labaatan sano; kuna soo shaqeeyey garsoore ama iyo xeer-ilaaliye ama/iyo qareen ama/iyo Macalin jaamacad ka bara sharciga.
3- Madaxweynuhu xilka wuu ka qaadi kara guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo garsoorayaasha Maxkamadda sare, isaga oo u baahan oggolaanshaha 2da Guddi joogto ee 2da Gole (Baarlamaanka) oo qoraal ah.
QODOBKA 131AAD
GUDDIGA CADAALADDA
1- Guddiga cadaaladdu waa hayadda hogaamisa Maamulka garsoorka; waxayna ka kooban tahay:-
2- Waxaa fadhiga guddigu ku ansixi karaa marka ay joogaan todoba (7) xubnood.
3- Marka guddoomiyaha Maxkamadda sare gudan kari waayo guddoominta gudiga, sababo caafimaad, fasax, ama shaqo ka tegid darteed, waxaa si ku meel gaadh ah, guddoomiyaha guddiga noqon doona garsooraha ka tirsan Maxkamadda sare ee guddiga xubinta ka ah, dhinaca darajadana ku xiga guddoomiyaha.
4- Waxaa xoghayn u ah guddiga cadaaladda kaaliyaha sare ee Maxkamadda sare.
QODOBKA 132AAD
1- Guddiga cadaaladdu waxa ay u xil-saaran tahay; shaqo siinta, xil ka qaadista,
dallacaada, hoos u dhigidda, bedelaadda iyo anshax marinta garsoorayaasha Maxkamadaha
hoose, (Maxkamadaha Racfaanka, Goboladda iyo Degmooyinka) iyo ku-xigeenada xeer-ilaaliyaha
guud.
Shaqaalaha kale ee ka shaqeeya garsoorka waxa ay hoos imanayaan xeerka shaqaalaha dawladda.
2- Lama xidhi karo garsoore ama ku-xigeen xeer-ilaaliye guud haddii aanay guddiga cadaaladdu ogolaanin; hase yeeshee looma baahna oggolaanshaha guddiga haddii garsooraha ama ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud la qabto isaga oo faraha kula jira (Flagrante Delicto). Dembi ciqaabtiisa ugu yari tahay saddex (3) sanno, oo xadhig ah.
3- Xeer-ilaaliyaha guud ayaa guddiga ka hor oogaya Eedda ka xayuubinta dhawrsanaanta, anshax marinta garsoorayaasha iyo ku-xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud.
QODOBKA 133AAD
XIDHIIDHKA HAYADAHA GARSOORKA & WASAARADDA CADAALADDA
1. Wasaaradda Caddaaladdu waxay u xil saaran tahay fulinta goaamada maamul ee ka soo baxa Guddida Caddaaladda.
2. Wada-shaqaynta Wasaaradda iyo Hayadaha Garsoorka waxa qeexaya Xeer.
QAYBTA SHANNAAD
QODOBO KALA DUWAN
XUBINTA 1AAD
GUDDIGA CULIMADA
QODOBKA 134AAD
WAAJIBAADKA GUDDIDA
Guddida Culimadu waa guddi madax-bannaan oo u xilsaaran :-
1- In ay si rasmi ah uga bixiyaan caddayn:-
b- Khilaafaadka Diiniga ah ee abuurma;
t- Wixii la isku qabto in uu shareecadda khilaafsan yahay iyo in kale, ama iyaga ula muuqda in uu shareecadda khilaafsan yahay.
Guddidu waxay caddayntooda u gudbinayaan xafiiska codsiga caddayntu uga yimid ama Maxkamadda Dastuurka wixii iyaga uga muuqda.
2- Inay sameeyaan cilmi-baadhis nooc kasta ha ahaadee iyaga oo ka eegay a dhinaca diinta, gaar ahaan horumarka cilmiga sayniska iyo diinta.
3- In ay eegaan, hubiyaanna, kutubta laga tarjumo shareecada, gaar ahaan kuwa Maxkamaduhu u cuskadaan xukunkooda (ka hor intaan sharci ahaan loo ansixin), iyo kuwa gelaya manhajyada waxbarashada ee ku saabsan dhaqan-aqooneedka Diiniga ah.
QODOBKA 135AAD
TIRADA GUDDIDA IYO MUDDADA XILKA
Guddida culimadu waxa ay ka kooban yihiin 11 (Kow iyo Toban) xubnood; Muddada xilkuna waa 5 sanno; xubintii mutaysatana dib baa loo soo magacaabi karaa.
QODOBKA 136AAD
SHURUUDAHA XUBNAHA
Xubnaha guddida culimadu waa in ay yeeshaan shuruudaha hoos ku qoran;
1- In uu yahay muwaadin, maskax ahaan iyo jidh ahaanba u gudan kara xilkiisa.
2- In aanay dadiisu ka yaraan Afartan (40) sano.
3- In uu yahay nin lagu yaqaan Allah-ka-cabsi iyo Akhlaaq wanaag.
4- In aanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo Maxkamad horteeda kaga cadaaday 5tii sano ee ugu dambeysay.
5- Inuu leeyahay aqoon heer Jaamacadeed ah ama wax-u-dhigma oo dhinaca diinta ah.
6- Markuu xilka guddida qabto inuu ku-sifoobo dhex-dhexaadnimo dhinacyada siyaasadda iyo aragtida diineed.
QODOBKA 137AAD
WAXYAABAHA KA REEBBAN XUBNAHA
Xubanaha guddida culimada waxa ka reeban :-
1- In ay ku tilmaanaadaan xisbi siyaasadeed ama urur gaar ah oo diineed.
2- In ay qabtaan xil kale oo Qaran inta ay xilka guddida hayaan.
QODOBKA 138AAD
MAGACAABIDDA XUBNAHA GUDDIDA
1- Xubnaha guddida culimada waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo golaha xukuumadda iyo golaha guurtida oo is-tiro leeg, waxaana oggolaanaya golaha guurtida.
2- Guddida culimadu iyagaa iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeen.
QODOBKA 139AAD
BANNAANSHAHA XUBINIMADA GUDDIDA CULIMADA
Xubinimada guddida culimadu waxa ay bannaanaan kartaa :-
1- Haddii uu istiqaalad dhiibo ama uu geeriyoodo.
2- Haddii ay burto shuruud ka mid ah shuruudihii xubinimada.
3- Haddii uu xukun ciqaabeed oo kama dambays ah ku dhaco.
QODOBKA 140AAD
MUSHAHARKA IYO GUNNADA
Mushaharka iyo gunnada xubnaha guddida culimada xeer baa nidaaminaya.
XUBINTA 2AAD
GOBOLADDA IYO DEGMOOYINKA
QODOBKA 141AAD
QAAB-DHISMEEDKA DALKA
1- Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka kooban yahay Gobolo, gobol kastaana waxa uu u sii qaybsamaa degmooyin.
2- Dhismaha gobolada iyo degmooyinka, xuduudahooda iyo derejooyinkooda xeer baa nidaaminaya.
3-Wax-ka-bedelka tirada gobollada iyo degmooyinka ama xuduudaha, iyada oo sababaysan, waxaa soo jeedinaya golaha xukumadda, waxaana oggolaanaya golaha wakiilada iyo golaha guurtida.
QODOBKA 142AAD
MAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA.
1- Maamulka gobollada iyo degmooyinka waa qayb ka mid ah maamulka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
2- Xidhiidhka xukuumadda dhexe iyo gobollada iyo degmooyinka waxa caddaynaya xeer gaar ah.
QODOBKA 143AAD
GOLAYAASHA GOBOLADDA IYO DEGMOOYINKA
1- Gobollada iyo degmooyinka dalku waxa ay yeelanayaan Golayaal sharci -dejineed oo ku kooban xeer-hoosaadyo (By Laws) aan ka hor imanayn xeerarka dalka u dejisan; iyo kuwa fulineed.
2- Tirada gole kasta oo Gobol ama Degmo shuruudaha laga doonayo xubinta Gole gobol/ama degmooyinka iyo nidaamka doorashada xeer ayaa tilmaamaya.
3- Guddoomiyaha degmadu isaga oo la tashaday wax-garadka Tuulada, waxa uu soo jeedinayaa guddida maamul ee tuulo; waxaana ansixinaya golaha sharci-dejinta ee degmada.
4- Golayaasha gobollada iyo degmooyinka waa in ay noqdaan kuwo awood u leh qorshaynta dhaqaalahooda iyo arrimahooda bulshada.
5- Guddoomiyaha gobolka waxaa soo magacaabaysa xukuumadda, waxaana uu uga wakiil yahay xukuumadda dhexe gobolka iyo degmooyinka hoos imanaya.
6- Guddoomiyaha gobolku waa xidhiidhiyaha xukuumadda dhexe iyo degmooyinka gobolka, isaga oo hoos imanaya wasaaradda Arrimaha Gudaha.
7- Muddada xilka golayaasha gobollada iyo degmooyinka waa Shan (5) sano.
8- b- Gole Gobol ama degmo waa la kala diri karaa isaga oon muddadiisa dhammaysan.
t- Xaaladda ay ku iman karto iyo qaabka loo kara dirayo xeer ayaa tilmaamaya.
9- Xoghayaha gobolka ama degmada iyo madaxda waaxyaha ama laamaha wasaaradaha ayaa xilka sii fulinaya iyaga oo raacaya shuruucdoodii hore inta laga soo dooranayo gole cusub.
10- Golayaasha gobollada iyo degmooyinku waxa ay yeelanayaan xeer hoosaadyadooda oo midaysan; waxaana gacan ka siinaysa wasaaradda Arrimaha Gudaha.
11- Haddii gobollada iyo degmooyinku ay muddo saddex (3) bilood gudahood ah ku dhisan waayaan golayaasha, xukuumaddu waxa ay ku-meel gaadh ahaan, u magacaabaysaa maamulo gobollo iyo degmooyin, iyada oo kala tashanaysa xubnaha golayaasha wakiilada iyo Guurtida ee metelaya gobolladaas iyo degmooyinka iyo waliba Guurtida degaanadaas.
QODOBKA 144AAD
BAAHINTA AWOODDA MAAMULKA.
1- Maamulka adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi hoose- dhexe, xannaanada xoolaha, nabadgelyada gudaha, Biyaha, Nalka, Isgaadhsiinta iwm, waxa xilkoodu saaran yahay maamullada gobollada iyo degmooyinka hadba heerka ay hanan karaan.
2. Kala xadaynta awoodda maamul iyo cashuuraha ee dawladda dhexe iyo gobollada/degmooyinka, xeerka xidhiidhka dawladda dhexe iyo gobollada/degmooyinka ayaa caddeynaya.
3. Kala xadaynta ku tilmaaman faqradda labaad ee qodobkan, waa inay noqoto mid suurta-gelisa isku filnaansho gobollada iyo degmooyinku ka gaadhaan dhinacyada adeegyada bulsho.
XUBINTA 3AAD
HAYADAHA DAWLADDA
QODOBKA 145AAD
HAYADAHA DAWLADDA EE GAARKA AH
Hayadaha dawladda ee Qaranku waa:-
1. Xeer-ilaalinta guud.
2. Baanka dhexe.
3. Hayadda shaqaalaha Dawladda.
4. Hanti-Dhawrka guud.
Haddii loo baahdo hayado kale waa la dhisi karaa si xeerka waafaqsan.
QODOBKA 146AAD
MAGACAABISTA IYO XIL-KA-QAADISTA MADAXDA HAYADAHA
Magacaabista Xeer-Illaaliyaha Guud, Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiyaha & Guddiga Hayadda shaqaalaha Dawladda iyo Hanti-dhawrka Guud, waxa soo jeedinaya Guddoomiyaha Golaha Xukuumadda; waxaana oggolaanaya golaha wakiilada ka-hor intaan xilka loo dhaarin.
Waxaa xilka ka qaadi kara madaxda qodobkan ku sheeggan Madaxweynaha oo keliya.
QODOBKA 147AAD
XEERKA HAYADAHA
Hayad kasta oo ka mid ah hayadaha Dawladda ee gaarka ah waxa ay yeelanaysaa xeer u gaar ah oo qeexaya qaab-dhismeedkeeda iyo waajibaadkeeda iyo dhawrsanaanta madaxdooda.
XUBINTA 4AAD
QODOBKA 148AAD
MABAADIDA CIIDANKA QARANKA
1. Ciidanka Qaranku wuxuu u xil-saaran yahay ilaalinta iyo difaaca madax-bannaanida dalka; waxa intaa u dheer marka loo baahdo, hawlaha xilliga xukunka degdegga ah ee waafaqsan Dastuurka.
2. Ciidanka Qaranku, waxa uu had iyo jeer u hoggaansamayaa oo tixgelinayaa Dastuurka iyo Xeerarka dalka.
3. Dhismaha Ciidanka Qaranku wuxuu si suurto-gal ah ugu koobnaanayaa deegaannada Somaliland.
4. Qofka loo magacaabo Wasiirka Gaashaandhigu waa inuu ahaadaa muwaadin madani ah (Civilian).
5. Qaab-dhismeedka Ciidanka Qaranka xeer baa nidaaminaya.
QODOBKA 149AAD
CIIDAMADA BOOLIISKA & ASLUUBTA
1. Ciidanka Booliisku waxa uu u xilsaaran yahay ilaalinta nabadgelyada iyo dhaqan gelinta xeerarka; qaab-dhismeedkooda iyo waajibaadkoodana xeer ayaa qeexaya.
2. Ciidanka Asluubtu, waxa uu u xilsaaran yahay haynta iyo toosinta akhlaaqda maxaabiista; qaab-dhismeedkooda iyo waajibaadkoodana xeer ayaa xusaya.
QODOBKA 150AAD
HANTIDA XUKUUMADDA
Xukumaddu waxa ay awood ay u leedahay in ay yeelato, gacanta ku hayso, hanti guurto ama ma guurto ah; in ay iibsato ama iibiso, kiraysato, kirayso, ku-bedelato qiimo u dhigma, ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharicga waafaqsan.
XUBINTA 5AAD
DASTUURKA
QODOBKA 151AAD
DHAQANGELINTA DASTUURKA
1- Dhaqan-gelinta Dastuurku waxa ay ka bilaabmaysaa marka afti loo qaado, natiijada aftidu soo baxdo; waxaana loogu dhaqmi karaa si ku-meel -gaadh ah muddo 3 (Saddex) Sannadood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda uu ogolaado shirweynaha 3aad ee Beelaha Somaliland.
2- Haddii qabashada aftidu suuroobi waydo muddada loo xadiday, waxaa muddada ku-meel- gaadh ahaan loogu dhaqmaayo Dastuurka kolba kordhin kara labada gole (Wakiilada iyo Guurtida).
3- Doorashada Madaxweynaha & ku-xigeenkiisa waxaa dooranaya Ergayda ka tirsan shirweynaha 3aad ee Beelaha Somaliland, iyaga oo goaaminaya qaabka doorashada.
4- Waxaa tirada xubnaha golayaasha (guurtida iyo wakiilada) goaaminaya shirweynaha 3aad ee beelaha Somaliland; waxaana soo magacaabaya Beelaha.
5. Haddii ay xubin ka mid ah Golaha Guurtida ama Golaha Wakiilada ay ku timaaddo xaalad ka mid ah xaaladaha ku tilmaaman Qod. 73Aad, waxaa soo buuxsanaya Beeshii uu ka tirsanaa, inta laga gaadhayo nidaamka axsaabta ee doorashada tooska ah.
6. Haddii ay ku yimaadaan asbaabaha ku tilmaaman Qod. 113Aad Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha ama midkoodba inta laga gaadhayo nidaamka axsaabta ee doorashada tooska ah, labada Gole (Wakiilada iyo Guurtida) ayaa si wadajir ah muddo (45) maalmood gudahood ku dooranaya Madaxweyne iyo ku-xigeen Madaxweyne ama midkood; iyada oo uu xilka jagada bannaanaatay, muddada doorashada ka horreysa, uu hayn doono Guddoomiyaha Guurtida.
7. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagaga dhaqmayaa xeerarkii hore loogu dhaqmi jiray ee aan ka hor imanayn shareecada Islaamka, inta laga gaadhayo soo saarista xeerar waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
QODOBKA 152AAD
DIYAARINTA XEERKA AFTIDA IYO MAGACAABIDA GUDIDA QABAN QAABINTA AFTIDA
Si ay u suurto gasho qaban- qaabinta aftidu, waxaa waajib ah in la soo saaro xeerka aftida iyada oo laga shidaal- qaadanayo tilmaamaha Dastuurku asteeyey waxaana la magacaabayaa guddida qaban- qaabinta aftida si waafaqsan Dastuurka.
QODOBKA 153AAD
WAX KA BEDELKA IYO KAABIDDA DASTUURKA.
1. Soo jeedinta wax ka beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurka waxa leh:-
b. Madaxweynaha, ka dib marka uu la tashado golaha xukuumadda.
t. 1/3 (saddex-meelood meel) tirada guud ee Golaha wakiilada.
j. 1/3 (saddex meelood meel) tirada guud ee Golaha Guurtida.
2. Waxa waajib ah in soo jeedinta wax ka beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurku ay sababaysan tahay, saxeexan tahayna.
3. Wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurka waxa ay Golaha wakiilada iyo Golaha Guurtidu ka doodayaan laba bilood ka dib marka uu Golaha wakiiladu aqlabiyadda tiradiisa ku goaansado in loo baahan yahay wax-ka-bedelka iyo/ama kaabidda.
4. Wax-ka-beddelka qodob ama qodobbo ka mid ah Dastuurka iyo/ama kaabiddiisu waxa ay ku ansaxayaan kadib marka uu 2/3 (saddex meelood, laba) tirada guud ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtidu uu mid waliba goonidiisa isugu raaco.
5. Haddii Golaha Wakiiladu uu aqlabiyadda tiradiisa isugu raaci waayo in loo baahan yahay in wax laga beddelo ama wax lagu kordhiyo ama labadaba; ama haddii labada gole midkood ku ansixin waayo wax-ka-bedelka iyo/ama kaabidda 2/3 (Saddex meelood, laba) tirada guud ee xubnihiisa, soo jeedintaas dib looma soo celinayo 12 (Laba iyo Toban) Bilood oo dambe.
6. Wax-ka-bedelka ama beddelaadda calanka, Astaanta, iyo Heesta Qaranka, waxa jideynaya goaan Gole wakiil.
QODOBKA 154AAD
XUDUUDDA WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABIDDA DASTUURKA
Ma bannaana in soo jeedinta wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda dastuurku ay xambaarsanaato nuxur ka soo horjeeda:-
b. Mabaadida shareecada islaamka.
t. Midnimada dalka (Israacsanaanta dhul-ahaaneed).
j. Mabaadida tolo-wadaagga iyo hannaanka xisbiyada badan.
x. Xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.
QODOBKA 155AAD
SALDHIGGA IYO SARRAYNTA DASTUURKA
1. Dastuurka waxa saldhig u ah mabaadida Islaamka.
2. Dastuurka ayaa ugu sarreeya xeerka dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsanaynina, waxa uu noqonayaa waxba kama-jiraan.
QODOBKA 156AAD
DHAARTA DASTUURIGA AH
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo isla markaana ah Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa dhaarinaya cid kasta oo Dastuurku ku waajibiyey dhaar, ka hor inta aanu xilkiisa bilaabin, dhaartan Dastuuriga ah. Sidoo kale waxaa isagana dhaarinaya ku-xigeenkiisa.
"WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO".
Copyright 2000, Somaliland Forum
webmaster@somalilandforum.com