Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

QAYBTA KOWAAD

 

TILMAANTA QARAN, MABAADI'DA GUUD &

XORRIYAADKA ASAASIGA AH

 

 

XUBINTA IAAD

TILMAANTA GUUD

 

QODOBKA 1AAD

QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

1.         Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go'aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.

2.         Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.

 

QODOBKA 2AAD

DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

1.         Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30' Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45' ilaa 490 Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasuradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).

2.                  Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad Ia wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.

3.         Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.

 

QODOBKA 3AAD

MAGALO-MADAXDA

 

Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland waa Hargeysa.

 

 

QODOBKA 4AAD

JINSIYADDA

 

1.         Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deggenaa dalka

Somaliland 26kii Juun 1960k iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin

Somaliland.

2.         Xeer baa caddaynaya sida lagu heli karo ama laga waayi karo jinsiyadda Somali land.

 

QODOBKA 5AAD

DIINTA

 

1.         Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta lslaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamka.

2.         Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.

3.         Dawladdu waxay oogaysaa shacaa'irta dimiga ah (umuurta Diinta); waxaanay fulinaysaa axkaamta Shareecadda. Sidoo kale waxay ka hortegaysaa fisqiga iyo anshax- xumada.

4.         Tirsiga taariikhda waxa laga raacayaa tan lslaamiga ah ee Hijriyada iyo tan Miilaadiyada ah.

 

QODOBKA 6AAD

AFKA

 

I.          Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa Af-Soomaaliga; afka labaadna waa Af- Carabiga.

2.         Afafka kale waxa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo.

 

QODOBKA 7AAD

CALANKA, ASTMNTA & HEESTA QARANKA

 

1.         Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo isle'eg oo ballaadh u goglan.  Midabka sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laa-llaaha llla-Lahu Muxamedu Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah.

2.         Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay "ALLAAHU AKBAR" oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay labadusa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan.  Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran "Bisinka" oo Far Carabi ah.

3.         Heesta Qaranku waa mid muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka, caqiidada ummadda, hab-dhaqmeedka wadatashi; waxanay yeelanaysaa miyuusik u gaar ah oo ka duwan kuwa dalalka kale; waxaana lagu soo saarayaa xeer.

4.         Wax-ka-beddelka ama bedelaadda calanka, astaanta, iyo heesta qaranka, waxa jidaynaya go'aan Golaha Wakulada.

 

XUB1NTA 2AAD

MABAADI'DA GUUD

 

QODOBKA 8AAD

SINNANTA MUWAADINIINTA

 

1.         Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.

2.         Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee 500 jireenka ah waa waajib Qaran.

3.         Ajaanibka dalka Somaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortusa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad Ia siman tan muwaadiniinta, oo ay ka reebban tahay xuquuqda siyaasiyiga ah ee muwaadiniinta u gaarka ah.

 

QODOBKA 9AAD

NIDAAMKA SIYMSADEED

 

1.         Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.

2.         Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi.

3.         lyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah, waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.

 

QODOBKA 10AAD

XIDHIIDHKA DIBEDDA

 

1.         Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay Dawladdii hore 1o odhan jiray Soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye, haddii aanu ka hor imanayn danta iyo maslaxadda Jamhuuriyada Soomaaliand.

2.         Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}.

3.         Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay aaminsan tahay mabaadi'ida aayo-ka-talinta ummadaha adduunka.

4.         Waxay aaminsan tahay in khilaafaadka siyaasiga ah ee abuurma lagu xallilo dariiq nabadeed iyo wada-hadal; waxay dhawraysaa jiritaanka soohdimaha dalalka kale.

5.         Waxay ku dadaalaysaa in colaaddii raagtay oo dhex ooli jirtay dalalka Geeska Afrika lagu beddelo is af-garad iyo isku soo dhawaansho.

6.         Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waa Jamhuuriyad xor ah oo ka mid ah Ummadda Carbeed, Shucuubta Afrika iyo Caalamka lslaamka; sidaas daraadeed, waxay ku dadaalaysaa siday ugu bun lahayd Jimciyadda Qaramada Midoobay, Ururka Midnimadda Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Dawladaha lslaamka.

7.         Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxis-nimada iwm, ujeeddo kasta ha lahaadeene.

 

QODOBKA 11AAD

DHAQMLAHA DALKA

 

1.         Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi'da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantid wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.

2.         lyadoo Ia dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.

3.         Maal-gelinta shisheeyaha ee dalka gudahiisa Dawladdaa damaanad qaadaysa; xeer baana lagu nidaaminayaa.

 

QODOBK 12AAD

HANTIDA-GUUD, KHAYRAADKA DABIICIGA AH

IYO WAX-SOO-SAARKA WADANIGA AH

 

1.         Dhulku waa hanti guud oo ka dhaxeeya Ummadda; mas'uuliyadiisana Dawladdaa leh.

2.         Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaaffa iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana geexaya xeer.

3.         Xukuumaddu waxay awood u leedahay may yeelato, gacanta ku hayso, hanti­guurto ama ma-guurto ah, may ubsato, ubiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

4.         Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas'uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah si loo baadho, loogana faa'iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka. llaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa'iidaysan karo xeer ayaa qeexaya.

5.         Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa'iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan.

6.         Dawladdu waxay dhiirri-gelinaysaa wax-soo-saarka wadaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macdanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo-saarka wadaniga ah.

7.         Sekadu waa rukun lslaamiya, habaynteedana waxaa caddaynaya xeer-gaar ah.

 

QODOBKA 13AAD

BAANANKA

 

Dawladdu waxay yeelanaysaa Baan dhexe oo hoggaamiya siyaasadda iyo ilaalinta Lacagta Dalka. Waxa kale oo Ia suurto-gelinayaa furitaanka Baanan­ ganacsi iyo horu-marineed iyada oo mudnaanta Ia siinayo kuwa gaar-ahaaneed.

 

QODOBKA 14AAD

CASHUURAHA, TAKAALIIFTA & RIBADA

 

1.         Waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa danta iyo maslaxadda bulshada. Sidaa darteed, cashuur ama takaaliif aan xeer jidayn lama qaadi karo.

2.         Curinta, dhaafidda iyo wax ka beddelka cashuuraha iyo wixii takaaliif ah ee kale xeer ayaa jidaynaya.

3.         Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin.

 

QODOBKA 15AAD

WAXBARASHADA, DHALLINYARADA

IYO ISBOORTIGA

 

1.         Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta, ballaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta, iyadoo u aragta inay waxbarashadu tahay maal­gelinta ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.

2.         Waxbarashadu waa mid u danaynaysa dadweynaha, kuna habaysan waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada Somaliland.

3.         Barashada iyo tarbiyadda Diinta lslaamku waa dariiqad asaasi ah; dhammaan heerarka waxbarashadana waa ku khasab, isla markaana horumarinta dugsiyada Qur'aanku waa waajib saaran Dawladda.

4.         Muwaadiniinta iyo shisheeyaha dalka deggeni waxay furan karaan dugsiyo iyo barnaamijyo waxbarasho iyo tababaro oo heer kasta ah oo waafaqsan xeerka warbarashada.

5.         Dawladdu waxay mudnaanta koowaad siinaysaa waxbarashada asaasiga ah; waxaanay u hawl galaysaa in gobollada iyo degmooyinka lagu baahiyo waxbarashada asaasiga ah.

6.         Cidhib tirka akhris-qoris la'aanta iyo waxbarashada dadka waaweyni waa waajib ummadeed waana in shacab iyo Dawladba awood Ia isugu geeyo fulinta waajibkaas.

7.         Siyaasadda Qaran ee waxbarashada asaasiga ahi waa lacag la'aan.

8.         Si dhallinyarada loogu xaqiijiyo koritaanka jidhka iyo maskaxda oo caafimaad qaba, korna loogu qaado barbaarintooda iyo dareenkooda Dawladdu waxay ahmiyad gaara siinaysaa horumarinta iyo dhiiri-gellinta ciyaaraha jidhka iyo isboortiga, kuwaas oo loo aqoonsan doono maadooyinka asaasiga ah oo ka mid ah manhajka waxbarashada dugsiyada dawladda iyo kuwa kale.

 

QODOBKA 16AAD

HORUMARINTA CILMIGA, SUUGAANTA,

HIDDAHA IYO DHAQANKA.

 

1.         Dawladdu waxay horumarinaysaa cilmiga iyo suugaanta; waxayna dhiiri­gelinaysaa hal-abuurka iyo cilmi-baadhista.

2.         Xuquuqda qoraalka, hal-abuurka iyo hindisaha xeer ayaa caddaynaya.

3.         Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada iyada oo isla markaa laga faa'iidaysanayo aqoonta bulshada adduunka. Waxa si gaar ah loo dhiirri gelinayaa fanka, suugaanta iyo ciyaaraha wadaniga ah, iyadoo Ia dhawrayo aadaabta lslaamka.

4.         Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada, waxayna tirtiraysaa caadooyinka wax u dhimaya Diinta, horumarka, dhaqanka iyo caafimaadka bulshada. Samaynta khamriga iyo beerista ama ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyuhu geyiga Somaaliland way ka reebban yihiin.

 

 

QODOBKA 17AAD

CAFIMAADKA

 

1.       Dawladdu iyadoo fulinaysa siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, waxa waajib ka saaran yahay ka-haqab-tirka dalka qalabka ka-hortagga cudurrada faafa, helitaanka daaweyn lacag Ia'aan ah iyo daryeelka fayo dhawrka guud.

2.       Dawladda waxa xil ka saaran yahay horumarinta iyo baahinta adeegyada caafimaadka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka ah.

 

QODOBKA 18AAD

DEEGMNKA IYO WAX-KA­

QABASHADA MFOOYINKA

 

1.         Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka deegaanka oo asaas u ah caafimaadka bulshadda iyo dhawrista khayraadka dalka. Sidaas darteed, habdhaqanka iyo waxyeelada loo gaysto deegaanka xeer ayaa qeexaya.

2.         Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa, dhul garurka iyo dagaalada waxay Dawladdu ka yeelanaysaa ku-talagal.

 

                     QODOBKA 19AAD

DARYEELKA QAYBAHA

BULSHADA BAYLAHSAN.

 

Dawladdu waxay xil iska saaraysaa caafimaadka, daryeelka, xannaanada iyo waxbarashada hooyada, dhallaanka, naafada cid xannaanaysa aan lahayn iyo dadka aan xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaalaqaada.

 

QODOBKA 20AAD

SHAQADA, FARSAMADA, DARYEELKA

IYO BADBADINTA SHAQAALAHA

 

1.         Shaqadu waa xaq uu leeyahay kuna waajib ah, muwaadin kasta oo gudan kara. Sidaas darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqo abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha.

2.         Ka shaqeysunta carruurta, haweenka, shaqeynta saacadaha habeenimo iyo goobaha shaqada, fasaxyada iyo saacadaha shaqada waxaa qeexaya Xeerka Shaqada.

3.         Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan, waxayna qof ahaan ama urur ahaanba gorgortan Ia geli karaan loo shaqeeyaha, waxana reebban shaqada oo Ia isku khasbo.

4.         Dawladdu waxay ku dadaalaysaa in ay ka dhex abuurto shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha is-afgarad iyo xaqsoorid iyada oo sidaas xeer ku soo saaraysa.

5.         Shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u Ieeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.

6.         Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo badbaadinta shaqaalaha waxaanay xoojinaysaa hay'adaha ku shaqada leh.

 

XUBINTA 3AAD

XUQUUQDA QOFKA, XORRIYAADKA ASAASIGA

AH IYO WAAJIBAADKA SMRAN MUWAADINKA

 

 

QODOBKA 21AAD

HIRGELINTA IYO FASIRAADDA

 

1.         Waaxaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ee Qaranka iyo kuwa dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland heer kasta ha ahaadeene, waxay u hoggaansamayaan shuruucda ku cad qodobada xubintan.

2.         Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka  aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan.

 

QODOBKA 22AAD

XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO

IYO XAQA DOORASHADA

 

1.         Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeya hay in uu ka qayb gab hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, buisho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.

2.         Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u Ieeyahay in Ia doorto1 waxna uu doorto.

 

QODOBKA 23AAD

XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA

IYO IS-ABAABULKA

 

1.         Qof kasta oo muwaadin ah ama Si xeerka waafaqsan dalka ku jooga waxa uu xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono, iyo weliba in uu ka baxo ama ku soo Iaabto dalka marka uu doono.

2.         Arrimaha ku xusan faqradda laad ee qodobkan waxa ka reebban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda.

3.         Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka.

4.         Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama Ieh qaab cudan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene.

 

QODOBKA 24AAD

XAQA NOLOSHA, NABAD GALEYNTA JIDHKA,

XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA

GALO XUQUUQDA AADAMIGA

 

1.         Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.

2.         Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.

3.         Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in Ia xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.

4.         Dambiyada laga gab xuquuqda qofka sida xasuuqa, di maxkamad la'aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf

 

QODOBKA 25AAD

XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO

SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA

 

1.         Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.

2.         Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

3.         Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.

4.         Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.

 

QODOBKA 2 6AAD

CIQAAB IYO DEMBI

 

1.         Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.

2.         Mas'uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.

3.         Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.

 

 

QODOBKA 27AAD

XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY

 

1.         Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado.

2.         Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.

3.         Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-ka­soo qaad ma laha.

4.         Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.

5.         Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.

6.         Eedaysanuhu wuxuu xaq u Ieeyahay in go'aan maxkamadi ku ridday uu racfaan uga qaato maxkamadda ka sarraysa.

7.         Marka qof  la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa uu xaq u  leeyahay in la ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.

8.         Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xilbaa ka saaran kor-u-qaadidda akhlaaqda iyo xirfad baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suubban.

9.         Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya.

 

QODOBKA 28AAD

XAQA DACWADDA & ISDIFAACA

 

1.         Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad xeerka waafaqsan ka furto maxkamadda awoodda u Ieh.

2.         Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.

3.         Xaaladaha xeerku tilmaamyo Qaranku wuxuu kafaalo qaadayaa inuu bixiyo difaac lacag la'aan ah; iyada oo saboolkana laga dhaafi karo ajuurada maxkamadda

 

QODOBKA 29AAD

XURMAYNTA HOYGA

 

Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsaooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.

 

QODOBKA 3OAAD

XORRIYADDA ISGAADHSIINTA

 

            Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku baneeyo baadhitaankooda, daba-galkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan.

 

 

QODOBKA 31AAD

XORRIYADDA LAHAANSHAHA

HANTI GAAR-AHMNEED

 

1.         Qof kastaa waxa uu xaq u Ieeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in uu ku helo waddo xalaal ah.

2.         Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana Ia bixinayo cawil-celin munaasib ah.

3.         Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed.

 

 

QODOBKA 32AAD

XORRIYADDA BANNAANBAXA,

RA'YI - DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE

 

1.         Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.

2.         Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.

3.         Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta  oo  Iagu  cabudhinayo;  hawshoodana  xeer baa nidaaminaya.

 

QODOBKA 33AAD

XORRIYADDA CAQIIDADA

 

1.         Qof kasta wuxuu xor u yahay caqiidadiisa, lagumana qasbi karo inuu qaato tu kale.  Shareecadda lslaamku ma oggola in qofka Muslinka ah ka noqdo caqiidadiisa.

2.         Masaajidku waa goob cibaado, waxaanu mudan yahay xurmayn. Waa goob lagu fidiyo Diinta iyo hanuuninta ummadda dun iyo adduunyaba. Waxa reebban in laga jeediyo waxyaabaha ummadda kala kaxayn kara; dawladduna waxay ku leedahay ilaalin guud iyo kaalmayn wixi suurto-gal ah.

 

QODOBKA 34AAD

WAAJIBMDKA MUWMDINKA IYO CIQAABTA

GUDASHO LA'AANTA WAAJIBAADKA

 

1.         Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo dunta si waafaqsan xeerka.

2.         Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.

3.         Qof kasta waxa ku waajib ah inuu si hagar la'aan ah u bixiyo cashuurta iyo takaaliifta kale ee xeerku waajibiyey.

4.         Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada deegaanka.

5.         Xeerka ayaa caddeynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la'aanta waajibaadka ku xusan faqradda laad, 2aad, 3aad iyo 4aad.

 

QODOBKA 35AAD

ISU-CELINTA EEDAYSANAYAASHA AMA

DEMBIILAYAASHA IYO MAGAN-GELINTA SIYAASADEED

 

1.         Qofka shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku joogay si xeerka waafaqsan ee weydiista magangelyo siyaasadeed, waa Ia sun karaa haddii uu buuxiyo shuruudaha ku xusan xeerka u dhigan magan-gelinta.

2.         Ma bannaana in muwaadinka Somaliland loo dhiibo dawlad shisheeye.

3.         Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa dambule ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshus dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka weydustay celintusa.

 

QODOBKA 36AAD

XUQUUQDA HAWEENKA

 

1.         Xuquuqda, xorriyaadka iyo waajibaadka Dastuurku xaqiijiyey, haweenku ragga way ula siman yihiin, wixii Shareecadda Islaamka midkood u gaar yeeshay mooyaane.

2.         Xukuumaddu waa in ay dhiirri-gelisaa xeerna ka soo saartaa xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda iyo damurkooda.

3.         Haweenku waxay xaq u leeyihiin in ay hanti yeeshaan, maamulaan, kor­meeraan, adeegsadaan, gudbin karaan si Shareecadda waafaqsan.

4.         Si sare Ioogu qaado aqoonta iyo dakhliga haweenka iyo weliba daryeelka qoyska, haweenku waxay xaq u leeyihiin in loo fidiyo waxbarashada dhaqaalaha qoyska iyo in loo furo dugsiyada farsamada iyo xirfadaha gaarka ah iyo kuwa waxbarshada dadka waaweyn.

 

QAYBTA LABAAD

 

QAAB-DHISMEEDKA QARANKA

 

QODOBKA 37AAD

AWOODDA IYO KARAAMADA QARANKA

 

1.         Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.

2.         Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeer­dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Dastuurku dhigayo.  Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay.

 

 

XUBINTA 1AAD

 

WAADA XEER-DEJINTA

 

QODOBKA 38AAD

BAARLAMAANKA IYO

FADHIYADA WADA JIRKA AH

 

1.         Awoodda Xeer-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaar ku tahay Baarlamaanka oo ka kooban laba Gole oo kala ah Golaha Wakulada iyo Golaha Guurtida. Xilka xeer-dejintu uma wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka.

2.         Mashruuc-sharci Baarlamaanku oggolaadeen wuxuu xeer dhaqan gal ah noqonayaa marka uu Madaxweynuhu u soo saaro hab waafaqsan Dastuurka.

3.         Baarlamaanku xilgudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo xeer­hoosaadyadiisa.

4.         Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan arrimahan soo socda:­

b-    Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda, iyo hawadeeda.

t-     In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhammaan xeerarka ay U baahan tahay dawlad slaam ah.

j-     Hirgelinta xeerarka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta taabba­galka cadaaladda oo saldhig u ah xasilloonida guud ee Jamhuuriyadda iyo isu­kalsamaanta iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland.

5.         Labada Gole ee Baarlamanku waxay yeelanayaan fadhiyo ay wadaagaan iyo kuwo gaar u kala ah.

6.         Labada Gole ee Baarlamaanku fadhiyo wadajir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid yihiin:­

b-    Dhegeysiga Warbixinta Madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada Gole,

t-     Marka laga doodayo ku buridda Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan gobolleed ama caalami ah ama ansixinta heshusyada leh dabeecad gobolleed ama caalami.

j-     Go'aaminta iyo ku dhawaaqidda xaaladaha dagaal marka Jamhuuriyadda Somaliland Ia soo gudboonaado dagaal.

x-.   Doodaha ku saabsan aafooyinka dabuciga ah; kh- Doodaha Ia xidhiidha xeerarka deg-degga ah;

d-.   Ansixinta magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

r-     Arrimaha kale ee 2da Gole Ia habboonaata inay fadhi wada-jir ah ka yeeshaan.

 

GOLAHA WAKIILADA

 

QODOBKA 39AAD

TILMAANTA GUUD EE GOLAHA

 

            Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakil ah dadweynaha; waana Qaybta laad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka.

 

QODOBKA 40AAD

TIRADA GOLAHA IYO DOORASHADIISA

 

            Golaha Wakiilada waxa uu ka kooban yahay 82 xubnood oo lagu soo doorto doorasho guud oo toos ah iyo cod-bixin qarsoodi ah oo xor ah.

 

QODOBKA 41AAD

SHURUUDAHA QOFKA ISU-TAAGAYA

DOORASHADA

 

Qofka  isu-taagaya  xubinimadda  Golaha Wakulada  waa  inuu yeesho shuruudaha soo socda:­

1.         lnuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka

2.         Inuu Muwaadin yahay, da'diisuna ka yaraan shan iyo soddon sano {35 sano}.

3.         lnuu jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa.

4.         lnuu leeyahay aqoon dugsi sare ama wax u dhigma ugu hoosayn.

5.                  lnaanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah, oo maxkamad horteeda kaga caddaaday shantii sano ee ugu dambaysay.

6.                     Inuu yahay xil-kas; akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin.

7.         Uma bannaana qof shaqaale Dawladdeed ah inuu isu taago doorasho haddaanu muddada xeerku cayimay ka hor shaqo ka tegid codsan taas oo in laga aqbalaana ay waajib tahay.

 

QODOBKA 42AAD

MUDDADA XILKA IYO XILLIGA DOORSHADA

 

1.         Muddada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go'aamada doorashada.

2.         Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhammaadka muddada Golaha hore.

3.         Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dablici ah oo culus sida dhul garlir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go'aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukummaddu sidaa soo jeediyo.

 

QODOBKA 43AAD

XARUNTA GOLAHA WAKIILADA

 

Xarunta Golaha Wakiiladu waa Magaalo-madaxda.

 

QODOBKA 44AAD

ISUGU YEEDHIDDA GOLAHA CUSUB

 

1.         Golaha cusub waxa uu qabanayaa fadhigiisa ugu horreeya 30 (soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta Iagu dhawaaqo go'aamada doorashada; waxaana isugu yeedhaya Madaxweynaha Jamhuuriydda.

2.         Haddii Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, Golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45aad (Shan iyo afartanaad) laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go'aamada doorasho.

3.         Golaha cusub waxaa furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa waxaa guddoominaya shirka xubinta ugu da'da weyn; waxaana Goluhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye ku-xigeen.

 

QODOBKA 45AAD

FADHIYADA GOLAHA WAKIILADA

 

1.         Fadhiyada Golaha Wakiiladu waa kuwo furan, kuwo xidhana way noqon karaan; xeer hoosaad baana nidaaminaya.

2.         Fadhiga Golaha Wakiiladu waxa uu ku furmi karaa marka ay joogaan kala badh in ka badani, marka laga reebo kuraasida bannaanshahooda Ia baahiyay.

3.         Go'aamada Golaha waxa ay ku ansaxayaan hal dheeri xubnaha jooga fadhiga (aqlabiyad fudud), marka laga reebo xaaladaha Dastuurku ama Xeer­hoosaadka Goluhu uu u jideeyo aqlabiyad kale.

4.         Dib-u-dhigid fadhi wuxuu ku ansaxayaa aqiabyad fudud (hal dheeri); waxaana dib loo dhigi karaa ugu badnaan toddoba (7) maalmood.

5.         Wasurada iyo Wasiir-ku-xigeennada waxa ku waajib ah inay ka qayb galaan fadhiyada Golaha Wakulada iyo Guddiyadiisa haddi qoraal lagaga codsado sidaa; waxaanay xaq u leeyihiin inay ka qayb qaataan doodda; hase yeeshee xaq uma laha codayn. Sidoo kale Madaxweynaha waxaa u bannaan in uu u wakiisho Ku-xigeenka Madaxweynaha ama Wasiir kasta ka qayb-galka fadhiyada Golaha Wakijiada

 

QODOBKA 46AAD

KAL-FADHIYADA IYO HABAYNTA

GOLAHA WAKIILADA

 

1.         Waxa Goluhu yeelanayaa 3 (Saddex) kal-fadhi oo caadi ah sannadkiiba oo qaadanaya muddo 28 (siddeed iyo Iabaatan) toddobaad ah. Labadi kal-fadhi waxaa u dhaxaynaya ugu yaraan 4 (afar) toddobaad, ugu badnaana 8(siddeed) toddobaad.

2.         Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiulada waxa uu ku qabsoomi karaa:

b)  Codsi ka yimid Madaxweynaha;

t)   Guddoomiyaha Golaha Wakulada oo isugu yeedha.

j)   1/3 (saddex-meelood, meel) tirada xubnaha Golaha Wakulada oo qoraal ku codsada.

3.         Kal-fadhigiisa ugu horreeya waxa Golaha Wakiiladu ku ansixinayaa xeer­hoosaadkiisa; waxaanu ku dhisanayaa guddi-hoosaadyo inta uu U baahdo.

4.         Khudbadda Qaranka waxa jeedinaya Madaxweynaha kal-fadhiga u horeeya sannad walba, waxayna ka war bixinaysaa: siyaasadda, barnaamijyada Dawladda, dhaqaalaha, xaaladda lacageed & xaaladda nabadgelyada.

 

QODOBKA 47AAD

MUSHAHARKA IYO GUNNADA

GOLAHA WAKIILADA

 

Xubnaha Golaha Wakiiladu waxay yeelanayaan mushahar iyo gunno xeer qeexo.

 

QODOBKA 48AAD

REEBBANAATA QABASHADA XIL KALE IYO

UGA FAA'IIDEYSIGA XILKA DANO GAAR AH

 

Xubinta Golaha Wakijiada uma bannaana in ay qabato xii kale oo Dawladeed, iyadoo xilkii loo doortay haysa; umana bannaana inay uga faa'iideysato xilkaasi dano gaar ahaaned.

 

QODOBKA 49AAD

DHAWRSANAANTA XUBINTA

GOLAHA WAKIILADA

 

1.         Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra'yi ka dhiibay.

2.         Waxaa ka reebban xukunkaas faqradda laad wixii cay ama aflagaado ah ee xubintu geysato.

3.         Ma bannaana in laga qaado xubinta Golaha Wakiilada tallaabo baadhitaan ama waraysi ama qabasho ama xidhitaan ama tallaabo kale oo ciqaab la xidhiidha iyadoo oggolaansho looga helo Golaha Wakiilada mooyaane.

4.         Waxa xubinta tallaabo laga qaadi karaa haddii Iagu qabto isagoo dembi faraha kula jira; markaana waxa waajib ah in Golaha si deg-deg ah loo ogeysiiyo.

5.         Golaha waxa ku waajib ah inuu hubiyo in tallaabada laga qaaday xubinta ay tahay mid toosan.

6.         Haddii aanu Goluhu fadhiyin, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada laga qaadayo xubinta laga helo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada; Golahana waxa la soo hor-dhigayaa kal-fadhiga xiga.

7.         Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xubinta Golaha Wakiilada iyadoo aan oggolaanshaha Golaha Wakiilada loo baahnayn.

 

QODOBKA 50AAD

WAAYIDDA XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA

 <