WAAYIDDA XIBINIMADA GOLAHA GUURTIDA.
1. Xubinta Golaha Guuridu waxa ay waayi kartaa xubinnimadeeda
haddii ay burto shuruud ka mid ah shuruudihii Iagu soo xushay, ama ay gudan
waydo xilka sida uu u caddaynayo xeer -hoosaadka Golaha Guurtidu.
2. Haddii uu ku dhaco xukun ciqaabeed oo kama dambays ah oo
maxkamad horteed kaga caddaaday.
3. Haddii Golahu ka aqbalo istiqaalad.
QODOBKA 69AAD
KALA DIRIDDA GOLAHA
Golaha
Guurtida waxa loo kala diri karaa habka loo kala dii karo Golaha Wakiilada.
QODOKA 70AAD
REEBBANAANTA QABASHO XIL
KALE
IYO UGA
FAA'IIDAYSIGA XILKA DANO GAAR AH
Xubinta
Golaha Guurtida uma bannaana inay qabato xil kale oo Qaran iyadoo xilkii loo
xulay haysa; umana bannaana may xilka uga faa'iidaysato dano gaar ahaaneed.
QODOBKA 71AAD
FADHIYADA IYO KAL-FADHIYADA.
Fadhiyada Golaha Guurtida waa kuwa furan; waxaana ay
noqon karaan kuwa xidhan sida ku cad Dastuurka. Tirada ay fadhiyadu ku furmi
karaan, aqlabiyadda ay go'aamadiisu ku ansaxayaan iyo cidda isugu yeedhi karta
kalfadhiyada aan caadi ahayn, waxay Ia mid yihiin habka Golaha Wakiillada.
QODOBKA 72AAD
BANNAANSHAHA
JAGADA GOLAHA
GUURTIDA IYO
SOO-BUUXINTEEDA
1. Jagada
Golaha Guurtidu waxay ku bannaanaysaa haddii ay timaado xaalad ka mid ah
xaaladaha ku tilmaaman qodobka 50aad.
2. Haddii
ay bannaanto xubin ka mid ah Golaha Guurtidu ka hor Iixda bilood ee ugu
dambeeya muddada xilka Golaha Guurtida, waxa bo soo buuxinayaa si waafaqsan
xeerka, iyadoo xubinta cusubi ay dhamays-tirayso muddada xiIka Golaha.
QODOBKA 73AAD
XARUNTA GOLAHA GUURTIDA
Xarunta
Golaha Guurtidu waa Magaalo-madaxda.
QODOBKA 74AAD
SOO BANDHIGIDDA
MASHRUUC-SHARCI.
Mashruuc-sharci waxa Golaha Wakiilada u soo bandhigi
kara
1. Golaha
Xukuumadda
2. Tirada
Xubnaha Golaha Wakiilada ee xeer-hoosaadka Goluhu qeexo.
3. Muwaadiniin
Ieh xaqa cod-bixinta, tiradooduna aanay ka yarayn 5000 {shan kun } oo qof,
waxaana ka reebban mashruuc qaanuun-maaliyadeed.
QODOBKA 75AAD
SOO-SAARIDDA, FAAFINTA IYO
DHAQAN-GELINTA XEERKA
Xeerarka waxa uu Madaxweynuhu ku soo saarayaa, kuna baahinayaa
faafinta rasmiga ah saddex toddobaad {21
maalmood} gudahood, laga bilaabo maalinta Golayaashu u soo gudbiyaan;
waxayna Ru dhaqan-gelayaan 30 {soddon) maalmood gudahood oo laga bilaabo
maalinta Ia baahiyay, iyada oo ay bannaan tahay in muddada dhaqan-galka Iagu
gaabiyo ama Iagu dheereeyo xeerka gudihiisa.
QODOBKA 76AAD
Mashruuc-sharci waxa uu xeer ku
noqonayaa ansixinta Golaha Wakiilada waxaanu dhaqan gelayaa ka dib marka uu
Madaxweynuhu saxeexo sida ku cad Qod. 38aad.
QODOBKA 77AAD
HABKA LOO RAACO XEER-DEJINTA
1. Labada
Gole ee Baarlamanka mid waliba mashruuc-sharci uu ansixiyo wuxuu u gudbinayaa
Golaha kale; si uu ula eego talooyinna uga siiyo.
2. Labada
Gole mid waliba Golaha kale hal mar oo keliya ayuu mashruuc-sharci ku soo celin
karaa.
3. Xeer-hoosaadka
Baarlamaanka ayaa qeexaya hab-socodka mashruuc-sharci, waana in uu muujiyaa
mudnaanta gaar ah ee ay Ieeyihiin mashruuc-sharciyada la xidhiidha maaliyadda
iyo kuwa Xukuumaddu u aragto degdeg, kuwaas oo mudan in iyaga la hormariyo.
4. Mashruuc-sharci
ay labada Gole ee Baarlamaanku ku wada ansixiyeen ama ku wada oggolaadeen
aqlabiyadda 2/3 (Saddex meelood, laba) ama ka badan Madaxweynuhu dib uma celin
karo ee wuu saxeexayaa. Haddii uu arko
in mashruuc-sharcigaasi ka hor imanayo qodob ama qodobo Dastuurka, waa inuu
sidaa ku wargeliyaa Shir-guddoonka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud oo u gudbin doona
Maxkamadda Dastuuriga ah.
5. Madaxweynuhu
mashruuc-sharci looga soo gudbiyey Baarlamaanka, wuxuu ku saxeexayaa saddex
toddobaad (21 maalmood} gudahood, laga bilaabo taariikhda mashruucaas-sharci
soo gaadhay xafiiska Madaxweynaha haddii aanu Baarlamaanka dib ugu soo celin.
6. Haddii
Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku saxeexi waayo
muddadaas la gooyey ama ku soo celin waayo Baarlamaanka, mashruuc~sharcigaasi
si toos ah ayuu u noqonayaa xeer; waxaana soo saaraya Golaha soo gudbiyay
QODOBKA 78AAD
1. Mashruuc-sharci kasta aan ahayn kuwa maaliyadda oo Golaha Wakiiladu aqlabiyad Ru oggolaado waa in bo gudbiyo Golaha Guurtida, Raas oo markaas:
b. Oggolaan kara ama wax-ka-beddel soo jeedin kara.
t. Haddi Golaha Guurtidu oggolaan waayo, ama wax-ka-beddelid uu soo jeediyay Golaha Wakiiladu ku qanci waayo, Golaha Wakiiladu wuxuu xaq u leeyahay in mashruuca-sharciga kalfadhiga xiga ee Golaha Guurtida dib ugu celiyo. Haddii uu Golaha Guurtidu oggolaan waayo ama ku soo jawaabi waayo bil gudaheed, mashruuc-sharcigu wuu ansaxaya, sidaas ayaana Madaxweynaha loogu gudbinayaa.
2. Mashruuc-sharci
kasta uu Golaha Guurtidu aqlabiyad
ku ogolaaday waa in loo gudbiyo Golaha Wakiilada, kaas oo markaa:
b- Oggolaan
kara ama wax ka beddelid soo jeedin kara
t- Haddii
Golaha Wakiiladu mashruuc-sharcigaas oggolaan waayo, ku noqosho malaha.
3. Mashruuc-sharci labada
Gole soo oggolaadeen
ee loo gubdiyey Madaxweynaha, haddi uu sidaa ku oggolaado, wuxuu
Madaxweynuhu ku soo saarayaa faafinta
rasmiga ah (21) maalmood
gudahood. Haddii uu Madaxweynuhu oggolaan waayo ama
wax-ka-beddelid soo jeediyo waa inuu kow iyo Iaabatan (21) maalmood gudahood ku soo war-geliyaa Shirguddoonka Golaha
Wakiilada sababta uu u cuskaday.
4. Haddii
uu sababaha uu Madaxweynuhu cuskaday Goluhu ku qanci waayo, oo
mashruuc-sharcigaas uu mar-Iabaad ku ansixiyo aqlabiyad 2/3 (saddexmeelood, laba)
xubnaha Golaha, mashruuc-sharicgaas waa
inuu Madaxweynuhu aqbalaa.
Haddiise aqlabiyadu intaas ka yaraato, mashruuc sharcigaasi wuu burayaa.
5. Mashruuc-sharci
uu Golaha Wakiiladu oggolaado aan ahayn mashruuc-sharci maaliyadeed oo Golaha
Guurtidu nuxurkiisa (Principle) ku diido aqlabiyad (2/3) (saddex meelood laba)
xubnaha Golaha, haddii Golaha Wakiiladu ku qanci waayo diidmadaasi oo mar
labaad ku ansixiyo aqlabiyad ka yar 2/3 (saddex-meelood laba) xubnaha Golaha,
mashruuca-sharcigaasi wuu burayaa.
QODOBKA 79AAD
EEDAYNTA XUBNAHA GOLAYAASHA
1. Xubnaha
Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) waxa lagu oogi karaa dacwad dembi ah haddii
la qabto xubinta ama xubnaha iyagoo faraha kula jira faldembiyeed (Flagrante
Delicto), dambigaas oo ciqaabtiisu ugu yari tahay saddex (3) sanno oo xadhig
ah.
Hase
yeeshe, lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo xabsi, ilaa
xubinta ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan.
2. Dacwadda
dembiga ah ee Iagu eedaynayo xubnaha Golayaasha waxa soo oogaya Xeer- ilaaliyaha
Guud, ka bacdi marka Golaha xubintu ama xubnuhu ka tirsanaayeen ay maamuuska
kaga xayuubiyaan saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha.
Waxa
dacwaddaas dhegeysigeeda awood u Ieh Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court
of Justice)
WAAXDA FULINTA
XUBINTA IAAD
QODOBKA 80AAD
MADAXWEYNAHA lYO
MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
Qaranku wuxuu yeelanayaa Waaxda
Fulinta, oo ka gaar ah kana madaxbannaan waaxyaha Xeer-dejinta iyo Garsoorka.
QODOBKA 81AAD
WAAXDA FULINTA
Waaxda Fulinta (oo mararka qaarkood Ioogu yeedho
(Xukuumadda) ) waxa madax ka ah Madaxweynaha, waxaanay Ra Rooban tahay:
* Madaxweyne;
* Madaxweyne-Ru-xigeen;
* Iyo Golaha Wasurada ee Madaxweynuhu
magacaabo.
QODOBKA 82AAD
SHURUUDAHA QOFKA LOO
DOORANAYO MADAXWEYNE
AMA
MADAXAWEYNE-KU-XIGEEN
Waxa Madaxweyne ama Ku-xigeen Madaxweyne loo dooran karaa
qofka buuxiya shuruudaha soo socda:
1. Waa
in uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland oo muwaadinimo dawlad kale haysan,
balse wuu noqon karaa qoxooti dal kale deggan.
2. Waa
inuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka.
3. Waa
inaanay da'diisu ka yaraan afartan sano {40}.
4. Waa
inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilkiisa
5. Waa
inuu aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay arrimaha maamulka {mid dawliya iyo mid
Raleba}.
6. Waa
inuusan dembi maxkamadi ku xukuntay ka gelin Qaranka Somaliland.
7. Waa
inuu xaaskiisu yahay Muslim.
8. Waa
inuu xog-ogaal u ahaado xaqaa'iqa dalka ka jira, isaga oo joogay ugu yaraan
laba sano ka hor taariikhda doorashada loo cayimay inay qabsoonto.
9.
Waa inuu hantidusa diiwaan geliyo.
QODOBKA 83AAD
HABKA DOORASHADA
1. Waxa
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Iagu dooranayaa qaabka doorashada
guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah iyaga oo isku lammaan.
2. Doorashada
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, oo isku mar loo
codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa Ia qaban doonaa bil ka
hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.
3. Madaxweynaha
iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u
xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka
muddo bil ah gudaheed.
4 Waxa
loo aqoonsanayaa inay doorashada Madaxweyaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynahu ku
guulaysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan yihiin liistada hesha codadka
ugu tirada badan.
5. Haddii
ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto
doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu
dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada
dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto
QODOBKA 84AAD
DHAARTA MADAXWEYNAHA IYO
KU-XIGEENKA
MADAXWEYNAHA
Madaxweynaha
iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waxa Iagu dhaarinayaa ka hor intaanay xilka Ia
wareegin xaflad ay goob joog ka yihiin Madaxda Golayaasha Wakiilada iyo
Guurtida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
QODOBKA 85AAD
WAXYAABAHA KA REEBBAN
MADAXWEYNAHA
IYO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
1. Uma bannaana
Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Marwooyinkoodu inay galaan ganacsi
muddada ay xilka hayaan.
2. Madaxweynuhu
dalka kama maqnaan karo (45) cisho oo isku xiga muddo ka badan sabab caafimaad
mooyaane.
3. Hadiyadaha
la siiyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Marwooyinkooda iyo
Madaxda sare ee Qaranka ee Ieh muuqaal Qaran iyada oo lagu maamuusayo xilka ay
hayaan waxa weeye hanti Qaran.
QODOBKA 86AAD
BANNAANAANTA
JAGADA IYO HABKA UU
MADAXWEYNUHU AMA MADAXWEYNE
KU-XIGEENKU
XILKA UGA TEGI
KARO
Waxay jagada Madaxweynaha ama ku-xigeenka Madaxweynuhu iyo Kuxigeenka Madaxweynuhu bannaanaan kartaa haddii ay dhacdo xaalad ka mid ah xaaladaha hoos ku sheegan:
1. Xukun
dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyay.
2. Hawsha
oo uu caafimaad darro darteed u gudan kari waayo.
3. Geeri
ku timaadda.
4. Is-casilaadda
Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu qoraal xilka-tegis ah u
gudbinayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida,
waxayna labada Gole fadhi wada jir ah ku oggolaan karaan ama ku diidi karaan
aqlabiyad tirada guud ee labada Gole.
5. Haddii ay Golayaashu diidaan codsiga xil-ka-tegidda ee ku
sheegan faqradda 4aad ee qodobkan waxaa Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenku
xaq u yeelanayaa in uu mar labaad keensado codsi dalab xil-ka-tegis ah muddo
aan ka badnayn saddex bilood marki uu codsiga hore qortay; waxaana waajib ku ah
labada GoIe in ay xil-ka-tegidda ka oggolaadaan.
QODOBKA 87AAD
MUSHAHARKA & GUNNADA
Mushaharka, gunnada iyo hantida
Dawadda ee ay Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynuhu ku dhaqmaan waxa
qeexaya xeer.
QODOBKA 88AAD
MUDDADA XILKA
1. Muddada
xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta
maalinta xilka bo dhaariyo.
2. Qofna
jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.
QODOBKA 89AAD
HABKA BUUXINTA
JAGADA BANNAANATAY
1. Haddii
mid ka mid ah xaaladaha ku sheegan
qodobka 86aad ay ku timaado Madaxweynaha saddexda sano ee u horreeya shanta
sano ee xilka loo doortay, waxa Madaxweyne Ku-xigeenku noqonayaa Madaxweyne ku
meel gaadh ah, waxaana Madaxweyne lagu dooranayaa muddo lix bilood gudohood ah.
2. Haddii Madaxweynaha xaalad
ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado labada sano ee u
dambeeya muddada shanta sano ah ee bo doortay, waxa xilka Madaxweynenimo la
wareegaya Madaxweyne Kuxigeenka muddada labada sano ah ee hadhay, wuxuuna
Madaxweyne Kuxigeen u sharrixi doonaa xubin ka tirsan Golaha Wakuada, waxaana
ansixinaya labada Gole oo wada jira. Haddii Golayaashu diidaan mudanaha
Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka, waxa waajib ku ah inuu mudane
kale ku magacaabo muddo aan ka badanayn soddon maalmood gudahood oo ka
bilaabmaysa taariikhda dudmada Golayaasha.
Waxa
xubintu muddada dastuuriga ah hayn doontaa xilka bo magacaabay; isla markaana
waayi doontaa xubinnimadii Golaha Wakiilada.
3. Sidoo
kale, marka xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado
Madaxweyne-ku-xigeenka wuxuu Madaxweynuhu u magacaabayaa Madaxweyne-ku-xigeen
xubin ka tirsan Golaha Wakiilada, oo 2da Gole oggolaadeen. Wuxuu mudanaha xilka
loo magacaabay hayn doonaa jagadaas muddada xilka ka hadhay, iyada oo ay bannaanaan doonto jagadi
Wakiilnimadu. Haddii ay Golayaashu diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay
Madaxweyne-ku-xigeenka, waxa waajib ku ah inuu mudane kale ku magacaabo muddo
aan ka badnayn 30 maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda diidmada
Golayaasha.
4. Haddii
ay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha isku hal mar ku timaado xaalad ka
mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad, waxa xilka Madaxweynaha si ku meel
gaadh ah u haynaya Guddoomiyaha Golaha Guurtida. Waxaana doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka
Madaxweynaha lagu qaban doonaa muddo Iixdan (60) maalmood gudahood ah, oo ka
bilaabmaysa maalinta ay xaaladdu sugnaatay.
QODOBKA
90AAD
AWOODAHA
MADAXWEYNAHA
Madaxweynuhu
waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka
tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda
dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta
maamulka Dawadda. Si uu u gudan karo
xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda:
1. Hoggaaminta
siyaasadda guud ee Xukuumadda.
2. Magacaabidda
iyo xil-ka-wareejinta xubnaha Golaha Wasurada.
3. Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee Dawadda
marka uu la tashado Wasiirka ku shaqada leh; isla markaana tixgeliyo Dastuurka
iyo xeerarka u gaarka ah. Waxa madaxda sare ee dawladda loola jeedaa:
b. Hanti-dhowraha Guud;
t. Guddoomiyaha Baanka-dhexe;
j. Guddoomiyaha iyo Guddida Hay'adda
Shaqaalaha Dawadda;
x. Xisaabiyaha Guud;
kh. Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha
iyo hay'adaha;
d. Taliyayaasha ciidamada iyo Ku-xigeenadooda;
r. Danjirayaasha;
s. Xeer-ilaaliyaha Guud; iyo
dh. Saraakiisha sare ee kale oo xeer ka soo
baxay Golayaasha Xeer-dejintu awood u siinayo magacaabistooda iyo
xil-ka-wareejintooda.
4. Hoggaaminta
ciidamada Qaranka maadaama uu yahay Tahyaha Guud (Commander-in-Chief).
5. Oggolaanshaha
cafiska iyo saamaxaadda, oo ay ka reebban yihiin qisaasta iyo xuduudda
Shareecadda lslaamka; iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, ka dib marka uu la
tashado hay'adaha ku shaqada leh.
6. Saxeexa
heshiisyada caalamiga ah.
7. Ka
qayb-gelidda shirarka caalamiga ah, isagoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda
Somaliland.
8. Qaabilaadda
diblomaasiyiinta shisheeyaha iyo ka qabashada waraaqaha aqoonsigooda
(Credentials).
9. Magacaabidda
danjirayaasha u jooga Jamhuuriyadda Somaliland
dalalka shisheeyaha ah, ururada caalamiga ah iyo kuwa gobollada
adduuunka.
10. Bixinta
astaamaha xurmo iyo sharaf ee ay ka mid yihiin billadaha.
11. Hoggaaminta
xaaladaha dagaalka, isla markaana ku dhawaaqidda xaalad degdeg ah.
12. Fulinta
xeerarka aan Waaxda Garsoorka awoodaheeda hoos iman;
13. Awoodaha
kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka kale.
14. Madaxwaynuhu
wuxuu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka
u degsan.
QODOBKA 91AAD
AWOODAHA
MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
Madaxweyne-ku-xigeenka
Qaranku wuxuu awood u leeyahay;
1. Ku-simidda
xilka Madaxweynaha marka uu Madaxweynuhu maqan yahay ama uu buko.
2 Gudashada
hawlaha uu Madaxweynuhu u igmado.
3. Qabashada
xilka Madaxweynenimo marka ay jagadu bannaanaato sababahan dartood:-
b. Is-casilaadda
(xil-ka-tegid) Madaxweynaha.
t. Xukun
dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyey;
j. Marka uu
hawshii loo doortay u gudan kari
waayo caafimaad-darro darteed; iyo
x. Geeri ku timaada.
QODOBKA 92AAD
AWOODAHA KALE EE
MADAXWEYNAHA EE
LA XIDHIIDHA
XEERARKA DEGDEGGA AH
1. Marka ay soo if-baxaan xaalado gaar ah oo halis gelin kara
nabadgelyada dalka; khatar ku noqon kara xeerka iyo nidaamka; khalkhal ku abuuri
kara xasilloonida guud, ama kalsoonida dhaqaale, waxa Madaxweynuhu soo saarayaa
xeerar deg-deg ah oo lagu joojinayo khataraha kor ku sheegan. Haddii Golayaasha
Baarlamaanku fadhiyaan marka uu xeerarka degdegga ah soo saarayo Madaxweynuhu,
waa inuu ugu gudbiyo muddo toddoba (7) maalmood gudahood ah si ay go'aanno uga
gaadhaan. Haddii aanay Golayaashu fadhiyin waxa Gudoomiyayaashoodu isugu
yeedhayaan Golayaasha fadhi aan caadi ahayn muddo 14 maalmood gudahood ah.
Xukuumaduna way ku sii dhaqmi kartaa xeerarkaas inta ay Golayaashu go'aan ka
gaadhayaan.
2. Xeerarka
degdegga ah waxay yeelan doonaan awoodda xeerarka ka soo baxa Golayaasha
(Wakiilada iyo Guurtida), waxayna dhaqan gelayaan marka uu saxeexo
Madaxweynuhu.
3. Waxa
xeerarka degdegga ah dib-u-eegid ay 2da Gole ku samayn doonaan saddexdii (3)
biloodba hal mar iyaga oo go'aankoodu ku salaysnaan doono codka hal dheeriga ah
(Simple Majority)
QODOBKA 93AAD
HAB-MAAMUUSKA MADAXDA SARE
EE QARANKA
1. Madaxweynaha
iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha ayaa leh hab maamuuska koowaad ee Qaranka.
2. Guddoomiyaha
Golaha Guurtida ayaa leh hab-maamuuska ku-xiga.
3. Guddoomiyaha
Golaha Wakiilada ayaa leh hab-maamuuska 3aad ee Qaranka.
QODOBKA 94AAD
GOLAHA WASIIRADA
1. Golaha
Wasiiradu waxay Madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa iyaga oo wadajir
u go'aamin doona siyaasadda guud, qorshayaasha iyo barnaamijyada Dawladda.
2. Waxaa Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada magacaabi kara ama
xilka ka qaadi kara Madaxweynaha; waxaana magacaabiddooda la hor dhigayaa
Golaha Wakiilada oo ay fadhigaas joogaan kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo
ku oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri ah (Simple Majority) oo gacan
taag ah.
3. Soddon (30) maalmood gudohood marka Golaha Wakiiladu
ansixiyaan magacaabidda Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen, waxa xilka u dhaarinaya
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo uu goob joog yahay Madaxweynaha ama
Madaxweyne-ku-xigeenka, haddii uu Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama uu
buko.
4. Wasiirada ama Wasiir-ku-xigeenadu ma qaban karaan shaqo kale
oo ka baxsan tan Qaranka.
5. Qofna looma magacaabi karo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen
haddii aanu buuxin shuruudaha ku xidhan qofka bo dooranayo Golaha Wakiilada.
6. Wasiirka waxa bo xil-saari karaa hal Wasaarad ama in ka
badan.
7. Madaxweynaha ayaa guddoomin doona fadhiyada Golaha Wasiirada
ee caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn.
8. Lama
xidhi karo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen haddii aan lagu qaban isagoo faraha kula
jira dembi ciqaabtiisu gaadhayso saddex sano ama aanu Madaxweynuhu ka qaadin
dhawrsanaanta, isaga oo ku qancay soo jeedin uu u soo bandhigay Xeerilaaliyaha
Guud.
QODOBKA 95AAD
SII-HAYNTA XILKA
1. Wasiirka
ama Wasiir-ku-xigeenka istiqaalad dhiiba ama xilka laga fadhiisiiyo isaga ayaa
xilka sii haynaya inta beddelkiisu ka tirsanayo.
2. Waxaa
ka reebban muddada uu Wasiirku ama Wasiir-ku-xigeenku sugayo in xilka laga
tiriyo inuu cid xil u magacaabo ama
heshiis magaca Wasaaradda cid kale kula gab.
QODOBKA 96AAD
EEDEYNTA IYO
MMMUUS-KA-XAYUUBINTA
MADAXWEYNAHA,
KU-XIGEENKA MADAXWEYNAHA
IYO WASIIRADA
1. Haddii
Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Mad axweynaha lagu 800 oogo dembiyada kala ah:
b. Khiyaamo Qaran (High Treason) ama
t. Ku xad gudub Dastuurka.
Waxa
ku soo oogi kara Madaxweynaha ama/iyo Madaxweyne-ku-xigeenka dembiyada ku xusan
faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiilada;
iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha
Wakiiladuna waxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood iyo
mid ah {Absolute Majority).
2. Golaha
Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta
M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa,
wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madaxbannaan oo arrintaas
eedaynta ka kaalmeeya.
3. Waxa
u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida
ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku
isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca.
Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex
meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.
4. Haddii Xeer-ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen
dembi ka mid ah dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa
warbixinta eedda uu Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii
Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka ka
xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo Madaxweynuhu
warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la
noqdo dacwadiisa.
5. Waxaa
eedda Ia xidhiidha Wasiirada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High
Court of Justice),
Maxkamadaas oo ka
kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan
Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole
waliba soo doorto laba xubnood.
XUBINTA IAAD
WAAXDA GARSOORKA
QODOBKA 97AAD
1. Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor,
oo hawsheedu ta hay u gar-naqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka
dhexdooda.
2. Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u
fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee
Qaranka.
QODOBKA 98AAD
1.
Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay:
b. In uu
fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka
degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka.
t. Inuu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha Dawladda oo
dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.
j. Inuu ka taliyo muran kasta oo Ia xidhiidha waafaqsanaanta
Dastuurka.
2. Ma bannaana in garsooruhu qabto shaqo
kale inta uu hayo xilka Garsoorka.
3. Daryeelka ku habboon garsoorayaasha
xeer baa nidaaminaya
QODOBKA 99AAD
DHISMAHA
GARSOORKA
1. Hay'adaha Garsoorku waxay ka kooban
yihiin maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta.
2. Garsoorayaasha maxkamadaha iyo
Xeer-ilaaliyaashoodu waxay u madaxbannaan yihiin hawshooda garsoor iyaga oo
raacaya xeerka oo keliya.
QODOBKA 1OOAAD
MAXKAMADAHA