QODOBKA 68AAD

WAAYIDDA XIBINIMADA GOLAHA GUURTIDA.

 

1.         Xubinta Golaha Guuridu waxa ay waayi kartaa xubinnimadeeda haddii ay burto shuruud ka mid ah shuruudihii Iagu soo xushay, ama ay gudan waydo xilka sida uu u caddaynayo xeer -hoosaadka Golaha Guurtidu.

2.         Haddii uu ku dhaco xukun ciqaabeed oo kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga caddaaday.

3.         Haddii Golahu ka aqbalo istiqaalad.

 

 

QODOBKA 69AAD

KALA DIRIDDA GOLAHA

            Golaha Guurtida waxa loo kala diri karaa habka loo kala dii karo Golaha Wakiilada.

 

QODOKA 70AAD

REEBBANAANTA QABASHO XIL KALE

IYO UGA FAA'IIDAYSIGA XILKA DANO GAAR AH

 

Xubinta Golaha Guurtida uma bannaana inay qabato xil kale oo Qaran iyadoo xilkii loo xulay haysa; umana bannaana may xilka uga faa'iidaysato dano gaar ahaaneed.

 

QODOBKA 71AAD

FADHIYADA IYO KAL-FADHIYADA.

 

            Fadhiyada Golaha Guurtida waa kuwa furan; waxaana ay noqon karaan kuwa xidhan sida ku cad Dastuurka. Tirada ay fadhiyadu ku furmi karaan, aqlabiyadda ay go'aamadiisu ku ansaxayaan iyo cidda isugu yeedhi karta kal­fadhiyada aan caadi ahayn, waxay Ia mid yihiin habka Golaha Wakiillada.

 

QODOBKA 72AAD

BANNAANSHAHA JAGADA GOLAHA

GUURTIDA IYO SOO-BUUXINTEEDA

 

1.         Jagada Golaha Guurtidu waxay ku bannaanaysaa haddii ay timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku tilmaaman qodobka 50aad.

2.         Haddii ay bannaanto xubin ka mid ah Golaha Guurtidu ka hor Iixda bilood ee ugu dambeeya muddada xilka Golaha Guurtida, waxa bo soo buuxinayaa si waafaqsan xeerka, iyadoo xubinta cusubi ay dhamays-tirayso muddada xiIka Golaha.

 

QODOBKA 73AAD

XARUNTA GOLAHA GUURTIDA

 

            Xarunta Golaha Guurtidu waa Magaalo-madaxda.

 

QODOBKA 74AAD

SOO BANDHIGIDDA MASHRUUC-SHARCI.

 

Mashruuc-sharci waxa Golaha Wakiilada u soo bandhigi kara

1.         Golaha Xukuumadda

2.         Tirada Xubnaha Golaha Wakiilada ee xeer-hoosaadka Goluhu qeexo.

3.         Muwaadiniin Ieh xaqa cod-bixinta, tiradooduna aanay ka yarayn 5000 {shan kun } oo qof, waxaana ka reebban mashruuc qaanuun-maaliyadeed.

 

QODOBKA 75AAD

SOO-SAARIDDA, FAAFINTA IYO

DHAQAN-GELINTA XEERKA

 

            Xeerarka waxa uu Madaxweynuhu ku soo saarayaa, kuna baahinayaa faafinta rasmiga ah saddex toddobaad {21 maalmood} gudahood, laga bilaabo maalinta Golayaashu u soo gudbiyaan; waxayna Ru dhaqan-gelayaan 30 {soddon) maalmood gudahood oo laga bilaabo maalinta Ia baahiyay, iyada oo ay bannaan tahay in muddada dhaqan-galka Iagu gaabiyo ama Iagu dheereeyo xeerka gudihiisa.

 

QODOBKA 76AAD

 

            Mashruuc-sharci waxa uu xeer ku noqonayaa ansixinta Golaha Wakiilada waxaanu dhaqan gelayaa ka dib marka uu Madaxweynuhu saxeexo sida ku cad Qod. 38aad.

 

QODOBKA 77AAD

HABKA LOO RAACO XEER-DEJINTA

 

1.         Labada Gole ee Baarlamanka mid waliba mashruuc-sharci uu ansixiyo wuxuu u gudbinayaa Golaha kale; si uu ula eego talooyinna uga siiyo.

2.         Labada Gole mid waliba Golaha kale hal mar oo keliya ayuu mashruuc-sharci ku soo celin karaa.

3.         Xeer-hoosaadka Baarlamaanka ayaa qeexaya hab-socodka mashruuc-sharci, waana in uu muujiyaa mudnaanta gaar ah ee ay Ieeyihiin mashruuc-sharciyada la xidhiidha maaliyadda iyo kuwa Xukuumaddu u aragto degdeg, kuwaas oo mudan in iyaga la hormariyo.

4.         Mashruuc-sharci ay labada Gole ee Baarlamaanku ku wada ansixiyeen ama ku wada oggolaadeen aqlabiyadda 2/3 (Saddex meelood, laba) ama ka badan Madaxweynuhu dib uma celin karo ee wuu saxeexayaa.  Haddii uu arko in mashruuc-sharcigaasi ka hor imanayo qodob ama qodobo Dastuurka, waa inuu sidaa ku wargeliyaa Shir-guddoonka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud oo u gudbin doona Maxkamadda Dastuuriga ah.

5.         Madaxweynuhu mashruuc-sharci looga soo gudbiyey Baarlamaanka, wuxuu ku saxeexayaa saddex toddobaad (21 maalmood} gudahood, laga bilaabo taariikhda mashruucaas-sharci soo gaadhay xafiiska Madaxweynaha haddii aanu Baarlamaanka dib ugu soo celin.

6.         Haddii Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku saxeexi waayo muddadaas la gooyey ama ku soo celin waayo Baarlamaanka, mashruuc~sharcigaasi si toos ah ayuu u noqonayaa xeer; waxaana soo saaraya Golaha soo gudbiyay

 

QODOBKA 78AAD

 

1.         Mashruuc-sharci kasta aan ahayn kuwa maaliyadda oo Golaha Wakiiladu aqlabiyad Ru oggolaado waa in bo gudbiyo Golaha Guurtida, Raas oo markaas:­

b.    Oggolaan kara ama wax-ka-beddel soo jeedin kara.

t.                 Haddi Golaha Guurtidu oggolaan waayo, ama wax-ka-beddelid uu soo jeediyay Golaha Wakiiladu ku qanci waayo, Golaha Wakiiladu wuxuu xaq u leeyahay in mashruuca-sharciga kalfadhiga xiga ee Golaha Guurtida dib ugu celiyo. Haddii uu Golaha Guurtidu oggolaan waayo ama ku soo jawaabi waayo bil gudaheed, mashruuc-sharcigu wuu ansaxaya, sidaas ayaana Madaxweynaha loogu gudbinayaa.

2.         Mashruuc-sharci kasta uu Golaha Guurtidu aqlabiyad ku ogolaaday waa in loo gudbiyo Golaha Wakiilada, kaas oo markaa:

b-    Oggolaan kara ama wax ka beddelid soo jeedin kara

t-     Haddii Golaha Wakiiladu mashruuc-sharcigaas oggolaan waayo, ku noqosho malaha.

3.         Mashruuc-sharci  labada  Gole  soo  oggolaadeen  ee  loo  gubdiyey Madaxweynaha, haddi uu sidaa ku oggolaado, wuxuu Madaxweynuhu ku soo saarayaa faafinta  rasmiga ah  (21)  maalmood  gudahood.  Haddii  uu Madaxweynuhu oggolaan waayo ama wax-ka-beddelid soo jeediyo waa inuu kow iyo Iaabatan  (21) maalmood gudahood ku soo war-geliyaa Shir­guddoonka Golaha Wakiilada sababta uu u cuskaday.

4.         Haddii uu sababaha uu Madaxweynuhu cuskaday Goluhu ku qanci waayo, oo mashruuc-sharcigaas uu mar-Iabaad ku ansixiyo aqlabiyad  2/3  (saddex­meelood,  laba)  xubnaha  Golaha,  mashruuc-sharicgaas  waa  inuu Madaxweynuhu aqbalaa.  Haddiise aqlabiyadu intaas ka yaraato, mashruuc sharcigaasi wuu burayaa.

5.         Mashruuc-sharci uu Golaha Wakiiladu oggolaado aan ahayn mashruuc-sharci maaliyadeed oo Golaha Guurtidu nuxurkiisa (Principle) ku diido aqlabiyad (2/3) (saddex meelood laba) xubnaha Golaha, haddii Golaha Wakiiladu ku qanci waayo diidmadaasi oo mar labaad ku ansixiyo aqlabiyad ka yar 2/3 (saddex-­meelood laba) xubnaha Golaha, mashruuca-sharcigaasi wuu burayaa.

 

QODOBKA 79AAD

EEDAYNTA XUBNAHA GOLAYAASHA

 

1.         Xubnaha Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) waxa lagu oogi karaa dacwad dembi ah haddii la qabto xubinta ama xubnaha iyagoo faraha kula jira fal­dembiyeed (Flagrante Delicto), dambigaas oo ciqaabtiisu ugu yari tahay saddex (3) sanno oo xadhig ah.

            Hase yeeshe, lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo xabsi, ilaa xubinta ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan.

2.         Dacwadda dembiga ah ee Iagu eedaynayo xubnaha Golayaasha waxa soo oogaya Xeer- ilaaliyaha Guud, ka bacdi marka Golaha xubintu ama xubnuhu ka tirsanaayeen ay maamuuska kaga xayuubiyaan saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha.

            Waxa dacwaddaas dhegeysigeeda awood u Ieh Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice)

 

QAYBTA SADDEXAAD

WAAXDA FULINTA

 

XUBINTA IAAD

 

QODOBKA 80AAD

MADAXWEYNAHA lYO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA

           

            Qaranku wuxuu yeelanayaa Waaxda Fulinta, oo ka gaar ah kana madax­bannaan waaxyaha Xeer-dejinta iyo Garsoorka.

 

QODOBKA 81AAD

WAAXDA FULINTA

 

            Waaxda Fulinta (oo mararka qaarkood Ioogu yeedho (Xukuumadda) ) waxa madax ka ah Madaxweynaha, waxaanay Ra Rooban tahay:­

*   Madaxweyne;

*   Madaxweyne-Ru-xigeen;

*   Iyo Golaha Wasurada ee Madaxweynuhu magacaabo.

 

QODOBKA 82AAD

SHURUUDAHA QOFKA LOO DOORANAYO MADAXWEYNE

AMA MADAXAWEYNE-KU-XIGEEN

 

            Waxa Madaxweyne ama Ku-xigeen Madaxweyne loo dooran karaa qofka buuxiya shuruudaha soo socda:­

1.         Waa in uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland oo muwaadinimo dawlad kale haysan, balse wuu noqon karaa qoxooti dal kale deggan.

2.         Waa inuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka.

3.         Waa inaanay da'diisu ka yaraan afartan sano {40}.

4.         Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilkiisa

5.         Waa inuu aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay arrimaha maamulka {mid dawliya iyo mid Raleba}.

6.         Waa inuusan dembi maxkamadi ku xukuntay ka gelin Qaranka Somaliland.

7.         Waa inuu xaaskiisu yahay Muslim.

8.         Waa inuu xog-ogaal u ahaado xaqaa'iqa dalka ka jira, isaga oo joogay ugu yaraan laba sano ka hor taariikhda doorashada loo cayimay inay qabsoonto.

9.                   Waa inuu hantidusa diiwaan geliyo.

  

QODOBKA 83AAD

HABKA DOORASHADA

 

1.         Waxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Iagu dooranayaa qaabka doorashada guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah iyaga oo isku lammaan.

2.         Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa Ia qaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.

3.         Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed.

4          Waxa loo aqoonsanayaa inay doorashada Madaxweyaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynahu ku guulaysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan yihiin liistada hesha codadka ugu tirada badan.

5.         Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto

 

QODOBKA 84AAD

DHAARTA MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKA

MADAXWEYNAHA

 

            Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waxa Iagu dhaarinayaa ka hor intaanay xilka Ia wareegin xaflad ay goob joog ka yihiin Madaxda Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

 

QODOBKA 85AAD

WAXYAABAHA KA REEBBAN MADAXWEYNAHA

IYO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA

 

1.         Uma  bannaana  Madaxweynaha  iyo  Madaxweyne-ku-xigeenka  iyo Marwooyinkoodu inay galaan ganacsi muddada ay xilka hayaan.

2.         Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo (45) cisho oo isku xiga muddo ka badan sabab caafimaad mooyaane.

3.         Hadiyadaha la siiyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Marwooyinkooda iyo Madaxda sare ee Qaranka ee Ieh muuqaal Qaran iyada oo lagu maamuusayo xilka ay hayaan waxa weeye hanti Qaran.

 

QODOBKA 86AAD

BANNAANAANTA JAGADA IYO HABKA UU

MADAXWEYNUHU AMA MADAXWEYNE KU-XIGEENKU

XILKA UGA TEGI KARO

 

            Waxay jagada Madaxweynaha ama ku-xigeenka Madaxweynuhu iyo Ku­xigeenka Madaxweynuhu bannaanaan kartaa haddii ay dhacdo xaalad ka mid ah xaaladaha hoos ku sheegan:­

1.         Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyay.

2.         Hawsha oo uu caafimaad darro darteed u gudan kari waayo.

3.         Geeri ku timaadda.

4.         Is-casilaadda Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu qoraal xil­ka-tegis ah u gudbinayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, waxayna labada Gole fadhi wada jir ah ku oggolaan karaan ama ku diidi karaan aqlabiyad tirada guud ee labada Gole.

5.         Haddii ay Golayaashu diidaan codsiga xil-ka-tegidda ee ku sheegan faqradda 4aad ee qodobkan waxaa Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenku xaq u yeelanayaa in uu mar labaad keensado codsi dalab xil-ka-tegis ah muddo aan ka badnayn saddex bilood marki uu codsiga hore qortay; waxaana waajib ku ah labada GoIe in ay xil-ka-tegidda ka oggolaadaan.

 

QODOBKA 87AAD

MUSHAHARKA & GUNNADA

Mushaharka, gunnada iyo hantida Dawadda ee ay Madaxweynaha iyo Ku­xigeenka Madaxweynuhu ku dhaqmaan waxa qeexaya xeer.

 

QODOBKA 88AAD

MUDDADA XILKA

 

1.         Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka bo dhaariyo.

2.         Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.

 

QODOBKA 89AAD

HABKA BUUXINTA JAGADA BANNAANATAY

 

1.         Haddii mid ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado Madaxweynaha saddexda sano ee u horreeya shanta sano ee xilka loo doortay, waxa Madaxweyne Ku-xigeenku noqonayaa Madaxweyne ku meel gaadh ah, waxaana Madaxweyne lagu dooranayaa muddo lix bilood gudohood ah.

2.         Haddii Madaxweynaha xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado labada sano ee u dambeeya muddada shanta sano ah ee bo doortay, waxa xilka Madaxweynenimo la wareegaya Madaxweyne Ku­xigeenka muddada labada sano ah ee hadhay, wuxuuna Madaxweyne Ku­xigeen u sharrixi doonaa xubin ka tirsan Golaha Wakuada, waxaana ansixinaya labada Gole oo wada jira. Haddii Golayaashu diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka, waxa waajib ku ah inuu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka badanayn soddon maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda dudmada Golayaasha.

            Waxa xubintu muddada dastuuriga ah hayn doontaa xilka bo magacaabay; isla markaana waayi doontaa xubinnimadii Golaha Wakiilada.

3.         Sidoo kale, marka xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado Madaxweyne-ku-xigeenka wuxuu Madaxweynuhu u magacaabayaa Madaxweyne-ku-xigeen xubin ka tirsan Golaha Wakiilada, oo 2da Gole oggolaadeen. Wuxuu mudanaha xilka loo magacaabay hayn doonaa jagadaas muddada xilka ka hadhay,  iyada oo ay bannaanaan doonto jagadi Wakiilnimadu. Haddii ay Golayaashu diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenka, waxa waajib ku ah inuu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka badnayn 30 maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda diidmada Golayaasha.

4.         Haddii ay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha isku hal mar ku timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad, waxa xilka Madaxweynaha si ku meel gaadh ah u haynaya Guddoomiyaha Golaha Guurtida.   Waxaana  doorashada  Madaxweynaha  iyo  Ku-xigeenka Madaxweynaha lagu qaban doonaa muddo Iixdan (60) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabmaysa maalinta ay xaaladdu sugnaatay.

 

XUBINTA 2AAD

 

QODOBKA 90AAD

AWOODAHA MADAXWEYNAHA

 

            Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil­saaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda. Si uu u gudan karo xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda:­

1.         Hoggaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda.

2.         Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta xubnaha Golaha Wasurada.

3.         Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee Dawadda marka uu la tashado Wasiirka ku shaqada leh; isla markaana tixgeliyo Dastuurka iyo xeerarka u gaarka ah. Waxa madaxda sare ee dawladda loola jeedaa:­

b.    Hanti-dhowraha Guud;

t.     Guddoomiyaha Baanka-dhexe;

j.     Guddoomiyaha iyo Guddida Hay'adda Shaqaalaha Dawadda;

x.    Xisaabiyaha Guud;

kh. Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay'adaha;

d.    Taliyayaasha ciidamada iyo Ku-xigeenadooda;

r.     Danjirayaasha;

s.     Xeer-ilaaliyaha Guud; iyo

dh.  Saraakiisha sare ee kale oo xeer ka soo baxay Golayaasha Xeer-dejintu awood u siinayo magacaabistooda iyo xil-ka-wareejintooda.

4.         Hoggaaminta ciidamada Qaranka maadaama uu yahay Tahyaha Guud (Commander-in-Chief).

5.         Oggolaanshaha cafiska iyo saamaxaadda, oo ay ka reebban yihiin qisaasta iyo xuduudda Shareecadda lslaamka; iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, ka dib marka uu la tashado hay'adaha ku shaqada leh.

6.         Saxeexa heshiisyada caalamiga ah.

7.         Ka qayb-gelidda shirarka caalamiga ah, isagoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland.

8.         Qaabilaadda diblomaasiyiinta shisheeyaha iyo ka qabashada waraaqaha aqoonsigooda (Credentials).

9.         Magacaabidda danjirayaasha u jooga Jamhuuriyadda Somaliland  dalalka shisheeyaha ah, ururada caalamiga ah iyo kuwa gobollada adduuunka.

10.       Bixinta astaamaha xurmo iyo sharaf ee ay ka mid yihiin billadaha.

11.       Hoggaaminta xaaladaha dagaalka, isla markaana ku dhawaaqidda xaalad deg­deg ah.

12.       Fulinta xeerarka aan Waaxda Garsoorka awoodaheeda hoos iman;

13.       Awoodaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka kale.

14.       Madaxwaynuhu wuxuu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan.

 

QODOBKA 91AAD

AWOODAHA MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Qaranku wuxuu awood u leeyahay;­

1.         Ku-simidda xilka Madaxweynaha marka uu Madaxweynuhu maqan yahay ama uu buko.

2          Gudashada hawlaha uu Madaxweynuhu u igmado.

3.         Qabashada xilka Madaxweynenimo marka ay jagadu bannaanaato sababahan dartood:-

b.    Is-casilaadda (xil-ka-tegid) Madaxweynaha.

t.     Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyey;

j.     Marka uu hawshii loo doortay u gudan kari waayo caafimaad-darro darteed; iyo

x.    Geeri ku timaada.

 

QODOBKA 92AAD

AWOODAHA KALE EE MADAXWEYNAHA EE

LA XIDHIIDHA XEERARKA DEGDEGGA AH

 

1.         Marka ay soo if-baxaan xaalado gaar ah oo halis gelin kara nabadgelyada dalka; khatar ku noqon kara xeerka iyo nidaamka; khalkhal ku abuuri kara xasilloonida guud, ama kalsoonida dhaqaale, waxa Madaxweynuhu soo saarayaa xeerar deg-deg ah oo lagu joojinayo khataraha kor ku sheegan. Haddii Golayaasha Baarlamaanku fadhiyaan marka uu xeerarka degdegga ah soo saarayo Madaxweynuhu, waa inuu ugu gudbiyo muddo toddoba (7) maalmood gudahood ah si ay go'aanno uga gaadhaan. Haddii aanay Golayaashu fadhiyin waxa Gudoomiyayaashoodu isugu yeedhayaan Golayaasha fadhi aan caadi ahayn muddo 14 maalmood gudahood ah. Xukuumaduna way ku sii dhaqmi kartaa xeerarkaas inta ay Golayaashu go'aan ka gaadhayaan.

2.         Xeerarka degdegga ah waxay yeelan doonaan awoodda xeerarka ka soo baxa Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida), waxayna dhaqan gelayaan marka uu saxeexo Madaxweynuhu.

3.         Waxa xeerarka degdegga ah dib-u-eegid ay 2da Gole ku samayn doonaan saddexdii (3) biloodba hal mar iyaga oo go'aankoodu ku salaysnaan doono codka hal dheeriga ah (Simple Majority)

 

QODOBKA 93AAD

HAB-MAAMUUSKA MADAXDA SARE EE QARANKA

 

1.         Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha ayaa leh hab maamuuska koowaad ee Qaranka.

2.         Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa leh hab-maamuuska ku-xiga.

3.         Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa leh hab-maamuuska 3aad ee Qaranka.

 

 

XUBINTA 3AAD

 

QODOBKA 94AAD

GOLAHA WASIIRADA

 

1.         Golaha Wasiiradu waxay Madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa iyaga oo wadajir u go'aamin doona siyaasadda guud, qorshayaasha iyo barnaamijyada Dawladda.

2.         Waxaa Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada magacaabi kara ama xilka ka qaadi kara Madaxweynaha; waxaana magacaabiddooda la hor dhigayaa Golaha Wakiilada oo ay fadhigaas joogaan kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo ku oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri ah (Simple Majority) oo gacan taag ah.

3.         Soddon (30) maalmood gudohood marka Golaha Wakiiladu ansixiyaan magacaabidda Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen, waxa xilka u dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo uu goob joog yahay Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka, haddii uu Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama uu buko.

4.         Wasiirada ama Wasiir-ku-xigeenadu ma qaban karaan shaqo kale oo ka baxsan tan Qaranka.

5.         Qofna looma magacaabi karo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen haddii aanu buuxin shuruudaha ku xidhan qofka bo dooranayo Golaha Wakiilada.

6.         Wasiirka waxa bo xil-saari karaa hal Wasaarad ama in ka badan.

7.         Madaxweynaha ayaa guddoomin doona fadhiyada Golaha Wasiirada ee caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn.

8.         Lama xidhi karo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen haddii aan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi ciqaabtiisu gaadhayso saddex sano ama aanu Madaxweynuhu ka qaadin dhawrsanaanta, isaga oo ku qancay soo jeedin uu u soo bandhigay Xeer­ilaaliyaha Guud.

 

QODOBKA 95AAD

SII-HAYNTA XILKA

 

1.         Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka istiqaalad dhiiba ama xilka laga fadhiisiiyo isaga ayaa xilka sii haynaya inta beddelkiisu ka tirsanayo.

2.         Waxaa ka reebban muddada uu Wasiirku ama Wasiir-ku-xigeenku sugayo in xilka laga tiriyo inuu cid xil u magacaabo ama heshiis magaca Wasaaradda cid kale kula gab.

 

QODOBKA 96AAD

EEDEYNTA IYO MMMUUS-KA-XAYUUBINTA

MADAXWEYNAHA, KU-XIGEENKA MADAXWEYNAHA

IYO WASIIRADA

 

1.         Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Mad axweynaha lagu 800 oogo dembiyada kala ah:­

b.    Khiyaamo Qaran (High Treason) ama

t.     Ku xad gudub Dastuurka.

            Waxa ku soo oogi kara Madaxweynaha ama/iyo Madaxweyne-ku-xigeenka dembiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiilada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wakiiladuna waxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood iyo mid ah {Absolute Majority).

2.         Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madax­bannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.

3.         Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca.  Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.

4.         Haddii Xeer-ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen dembi ka mid ah dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa warbixinta eedda uu Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo Madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.

5.         Waxaa eedda Ia xidhiidha Wasiirada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Cadaaladda  (High  Court of Justice),  Maxkamadaas  oo  ka  kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole waliba soo doorto laba xubnood.

           

 

QAYBTA AFRAAD

 

XUBINTA IAAD

WAAXDA GARSOORKA

 

QODOBKA 97AAD

 

1.         Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor, oo hawsheedu ta hay u gar-naqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda.

2.         Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan,  iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka.

 

QODOBKA 98AAD

 

1.                  Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay:

­b.    In uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka.

t.     Inuu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha Dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.

j.     Inuu ka taliyo muran kasta oo Ia xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka.

2.         Ma bannaana in garsooruhu qabto shaqo kale inta uu hayo xilka Garsoorka.

3.         Daryeelka ku habboon garsoorayaasha xeer baa nidaaminaya

 

QODOBKA 99AAD

DHISMAHA GARSOORKA

 

1.         Hay'adaha Garsoorku waxay ka kooban yihiin maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta.

2.         Garsoorayaasha maxkamadaha iyo Xeer-ilaaliyaashoodu waxay u madax­bannaan yihiin hawshooda garsoor iyaga oo raacaya xeerka oo keliya.

 

QODOBKA 1OOAAD

MAXKAMADAHA