|
SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com |
|
|
|
(DASTUURKA CUSUB)
DASTUURKA
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Tusmada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland
_____________________________________________________________
1- Qod. laad: Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland
2- Qod. 2aad: Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland
3- Qod. 3aad: Magaalo-madaxda
4- Qod. 4aad: Jinsiyadda
5- Qod. 5aad: Dunta
6- Qod. 6aad: Afka
7- Qod. 7aad Calanka, Astaanta iyo Heesta Qaranka
8- Qod. 8aad: Sinnaanta Muwaadiniinta
9- Qod. 9aad Nidaamka Siyaasadeed
10- Qod.l0aad Xidhiidhka Debedda
11- Qod. 1laad: Dhaqaalaha Dalka
12- Qod. l2aad: Hantida Guud, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Wax soo-saarka Wadaniga ah
13- Qod. l3aad: Baananka
14- Qod. l4aad: Cashuuraha Takaaliifta iyo Ribada
15- Qod. l5aad: Waxbarashada Dhallinyarada iyo Isboortiga
16- Qod. l6aad: Horumarinta Cilmiga iyo Suugaanta Hiddaha iyo Dhaqanka
17- Qod l7aad: Caafimaadka
18- Qod l8aad: Deegaanka iyo Wax-ka-qabashada Aafooyinka
19- Qod. l9aad: Daryeelka Qaybaha Bulshada Baylahsan
20- Qod. 20aad: Shaqada, Farsamada, Daryeelka iyo Badbaadinta Shaqaalaha
Xuquuqda Qofka, Xorriyaadda Asaasiga ah iyo Waajibaadka Saaran Muwaadinka
21- Qod. 2laad: Hirgelinta iyo Fasiraadda
22- Qod. 22aad: Xuquuqda Siyaasadeed, Dhaqaale, Bulsho iyo Xaqa Doorashada
23- Qod. 23aad: Xorriyadda Dhaq-dhaqaaqa iyo Is-abaabulka
24- Qod. 24aad: Xaqa Nolosha, Nabadgelyaynta Jidhka, Xurmaynta Magac-samida iyo Dambiyada laga galo Xuquuqda Aadamiga
25- Qod. 25aad: Xaqa Xorriyadda Dammaanad Qaadka iyo Shuruudaha Xuquuqda iyo Xorriyaadka
26- Qod. 26aad: Ciqaab iyo Dembi
27- Qod. 27aad: Xuquuqda Qofka Xorriyadda laga qaaday
28- Qod. 28aad: Xaqa Dacwadda iyo lsdifaaca
29- Qod. 29aad: Xurmaynta Hoyga
30- Qod.30aad: Xorriyadda Isgaadhsiinta
31- Qod 3laad: Xorriyadda Lahaanshaha Hanti-gaarahaaneed.
32- Qod. 32aad: Xorriyadda Bannaan-baxa iyo Ra'yi Dhiibashada, Saxaafadda iyo War-baahinta Kale
33- Qod. 33aad: Xorriyadda Caqiidada.
34- Qod. 34aad: Waajibaadka Muwaadinka iyo Ciqaabta Gudasho La'aanta
Waajibaadka
35- Qod. 35aad: Isu Celinta Eedaysanayaasha Ama Dembiilayaasha iyo
Magangelinta Siyaasadeed .
36- Qod. 36aad: Xuquuqda Haweenka
37- Qod. 37aad: Awoodda iyo karaamada Qaranka
38- Qod. 38aad: Baarlamaanka iyo Fadhiyada Wada Jirka ah
Golaha Wakiilada
39- Qod. 39aad: Tilmaanta Guud ee Golaha
40- Qod. 40aad: Tirada Golaha iyo Doorashadusa
41- Qod. 4laad: Shuruuradaha Qofka lsu Taagaya Doorashada
42- Qod. 42aad: Muddada Xilka iyo Xilliga Doorashada
43- Qod. 43aad: Xarunta Golaha
44- Qod. 44aad: lsugu Yeedhidda Goloha Cusub
45- Qod. 45aad: Fadhiyada Golaha Wakijiada
46- Qod 46aad: Kal-fadhiyada iyo Habaynta Golaha Wakiilada
47- Qod. 47aad: Mushaharka iyo Gunnada Golaha Wakiilada
48- Qod. 48 aad: Reebbanaanta Qabashada Xil Kale
49- Qod. 49aad: Dhawrsanaanta Xubinta Golaha Wakiilada
50- Qod. 50aad: Waayidda Xubinimada Golaha Wakiilada
51- Qod. 5laad: Buuxinta Jagada Golaha Wakiilada
52- Qod. 52aad: Shaqaalaha Golaha Wakiilada
53- Qod. 53aad: Awoodda iyo Waajibaadka Golaha Wakiilada
54- Qod. 54aad: Awoodda Xeer-dejinta ee Golaha Wakiilada
55- Qod. 55aad: Miisaaniyadda
56- Qod. 56aad: Kala Diridda Golaha Wakiilada
57- Qod. 57aad: Tilmaanta Guud ee Golaha Guurtida
58- Qod. 58aad: Doorashada Xubinta Golaha iyo Muddada Xilka
59- Qod. 59aad: Shuruudaha Qofka bo Dooranayo Golaha Guurtida
60- Qod. 60aad Tirada Golaha Guurtida
61- Qod. 6laad: Awoodda iyo Waajibaadka Golaha Guurtida
62- Qod. 62aad: Fadhiga ugu Horeeya ee Golaha Guurtida
63- Qod. 63aad: Xoghayaha Golaha iyo La-taliyayaal
64- Qod.64aad: Xeer-hoosaadka Golaha
65- Qod. 65aad: Mushaharka iyo Gunnada Golaha Guurida
66- Qod. 66aad: Dhawrsanaanta Xubinta Golaha Guurtida
67- Qod. 67aad: Shaqo-ka-tegidda Xubinta Golaha Guurtida
68- Qod. 68aad: Waayidda Xubinimada Golaha Guurtida
69- Qod. 69aad: Kala-diridda Golaha
70- Qod. 70aad: Reebbanaanta Qabasho Xil kale iyo uga Faa’iidaysiga XiIka Dano Gaar ah
71- Qod.7laad: Fadhiyada iyo Kal-fadhiyada
72- Qod. 72aad: Bannaanaanshaha Jagada Golaha Guurtida iyo soo Buuxinteeda
73- Qod. 73aad: Xarunta Golaha Guurtida
74- Qod. 74aad: Soo Bandhigidda Mashruuc-Sharci
75- Qod. 75aad: Soo-saaridda, Faafinta iyo Dhaqan-gelinta Xeerka
76- Qod. 76aad: Mashruuc-sharci
77- Qod. 77aad: Habka loo Raaco Xeer-dejinta
78- Qod. 78aad: Mashruuc-sharci kasta aan ahayn kuwa Maaliyadda
79- Qod. 79aad: Eedaynta Xubnaha Golayaasha
80- Qod. 80aad: Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka
81- Qod. 8laad: Waaxda Fulinta
82- Qod. 82aad: Shuruudaha Qofka loo Dooranayo Madaxweyne ama Madaxweyne-Ku-xigeen
83- Qod. 83aad: Habka Doorashada
84- Qod. 84aad: Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha
85- Qod. 85aad: Waxyaabaha ka Reebban Madaxweynaha
iyo Madaxweyne Ku-xigeenka
86- Qod. 86aad: Bannaanaanta Jagada iyo Habka uu Madaxweynuhu ama Madaxweyne Ku-xigeenku Xilka uga Tegi karo
87- Qod. 87aad: Mushaharka iyo Gunnada
88- Qod. 88aad: Muddada Xilka
89- Qod. 89aad: Habka Buuxinta Jagada Bannaanaatay
90- Qod. 90aad: Awoodaha Madaxweynaha
91- Qod. 9laad: Awoodaha Madaxweyne Ku-xigeenka
92- Qod. 92aad: Awoodaha kale ee Madaxweyne ee La Xidhiidha Xeerarka Degdegga ah.
93- Qod. 93aad: Hab-maamuuska Madaxda Sare ee Qaranka
94- Qod. 94aad: Golaha Wasiirada
95- Qod. 95aad: Sii-haynta Xilka
96- Qod. 96aad: Eedaynta iyo Maamuus-ka-Xayuubinta Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Wasiirada
97- Qod. 97aad: Waaxda Garsoorka
98- Qod. 98aad: Awoodda Garsoorka u Gaarka ah
99- Qod. 99aad: Dhismaha Garsoorka
100- Qod.l00aad: Maxkamadaha
101- Qod. 101 aad: Maxkamadda Sare
102- Qod.l02aad: Maxkamadaha Hoose
103- Qod. 103aad: Xeer-ilaalinta
104- Qod. 104aad: Maxkamadaha Ciidamada iyo Xeer-ilaalintooda
105- Qod. 105aad: Magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare
106- Qod. 106aad: Xidhiidhka Hay'adaha Garsoorka iyo Wasaaradda Cadaaladda
107- Qod. 107aad: Guddida Cadaaladda
108- Qod. 108aad. Hawsha Guddida Cadaaladda
109- Qod. 109aad: Qaab-dhismeedka Dalka
110- Qod. 110aad: Maamuulka Gobollada iyo Degmooyinka
111- Qod. 11laad: Golayaasha Gobollada iyo Degmooyinka
112- Qod. 1 l2aad: Baahinta Awoodda Maamulka
113- Qod. 113aad: Hay'adaha Dawadda ee Gaarka ah
114- Qod. I l4aad: Magacaabista iyo XiI-ka-Qaadista Madaxda Hay’adaha
115- Qod. 115aad: Guddida Culimada iyo Waajibaadka Guddida
116- Qod. ll6aad: Tirada Guddida iyo Muddada Xilka
117- Qod. 1l7aad: Shuruudaha Xubnaha
118- Qod. 1l8aad: Waxyaabaha ka Reebban Xubnaha
119- Qod. ll9aad. Magacaabidda Xubnaha Guddida Culimada
120- Qod. l20aad. Bannaanaanshaha Xubinimada Guddida Culimada
121- Qod. l2laad: Mushaharka iyo Gunnada
122- Qod. l22aad. Xeerka Hay'adaha
123- Qod. l23aad: Mabaadi'da Ciidanka Qaranka
124- Qod. l24aad: Ciidamda Booliska iyo Asluubta
125- Qod. l2Saad: Diyaarinta Xeerka Aftida iyo Magacaabidda Guddida Qabanqaabinta Aftida
126- Qod. l26aad: Wax-ka-beddelka iyo Kaabidda Dastuurka
127- Qod. l27aad: Xuduudda Wax-ka-Bedelka iyo Kaabidda Dastuurka
128- Qod. l28aad: Saldhigga iyo Sarraynta Dastuurka
129- Qod. l29aad: Dhaarta Dastuuriga ah
130- Qod. l30aad: Dhaqan-gelinta Dastuurka iyo Qodobada kala guurka
Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland
BISMILLAHI
AL-RAXMANI AL- RAXIIM
ARAR
IYADOO UU
AYIDSAN YA HAY go'aamaddi Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco ee 27dii April
ilaa 5tii May 1991kii ee lagula soo noqday madax-bannaanida laga soo bilaabo 18 May, 91kii;
IYADOO UU KA
SHIIDAAL QAADANAYO Shirweynihii Guurtida Beelaha Somaliland ee Boorame ee 24kii
Jeniwary ilaa 25kii May 1993kii ee lagu guddoonsaday Axdiga Qaranka, kaas oo:
- Waajibeyey in muddada kala
guurka ah Ia diyaariyo, aftina loo qaado Dastuur Qaran oo beddela Axdiga
Qaranka.
- Si cad u taabtay
mabaadi’da Dastuurka iyo qaab-dhismeedka Dawladda lyada oo uu ku qanacsan yahay
xaqa aan cidina ka duudsiyi karin ee uu u lee yahay aaya-katashigiisa.
IYADOO UU
WAAYQ-ARAG U YAHAY cawaaqib xumada Dastuuraan ku salaysnayn caqiidada, dhaqanka
/yo doonista ummadda ee lagu soo maamulayey muddo soddon sannadood ah;
IYADOO UU
WAAYO-ARAG U YAHAY cidhib-xumada iyo dhibaatada xukunka ku dhisan
talo-maroorsiga iyo keli-talisnimada ee dalku ku soo jiray muddo ka badan
labaatan sannadood, kana feejigan dib-u-soo noqoshada xukun noocaas ah;
IYADOO UU
XUSUUSAN YAHAY halgammadii isdaba jooga ahaa ee shacbiga sida kii Daraawiishta,
Culimada Dunta, iyo Axsaabta;
IYADOO UU
MAANKA KU HAYQ halgankii kululaa ee isbahaysigii ururka SNM hogaaminayey u soo
maray dib-ula-soo noqoshada madax bannaanida ee loo huray naf iyo maalba si loo
helo nidaam dawladeed oo ummadda nasteex u ah;
IYADOO UU
HIGSANAYO dawladnimo ummadda wada deeqda, oo Ia mahadiyo, kuna dhisan sinnaan
iyo caddaalad;
IYADOO UU
YAQINSAN YAHAY in lagu gaadhi karo degganaansho iyo xasillooni waarta,
is-waafajinta Ia is-waafajiyo dhaqan-maamuleedka dalka iyo caqiidada ummadda;
IYADOO UU
AAMINSAN YAHAY in ummadda Somaliland tahay qoys wax walba wadaaga sida Diinta,
dhaqanka, caadooyinka iyo afka, wax ay ku kala duwan tahay sinaba ujirin,
diyaarna u tahay in ay wada dhisato dawlad ay u siman tahay;
IYADOO UU OGSOON
YAHA Y in d/yaar/nta Dastuurku soo martay marxalado /yo gudd/yo kala duwan, oo
ay ka mid ahayd guddidii isku-soo-dubbarididda Dastuurka ee Shirweynihi 3aad u
xilsaaray isku shaandhaynta labadii nuqul taariikhdii 26/11/96, uguna dambaysay
kaabiddii /yo wax-ka-beddelkii Dastuurka ee labada Gole Baarlamaan taariikhdiisu
ahayd 30 ApriI 2000, laguna saleeyey arrimaha soo socda:
b. Shareecada Islaamka.
t. Go'aan qaadasho ku
timaadda talo-wadaag.
j. Isu-dheellitirnaanta
awoodda dawladnimo oo u qaybsanta; Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.
x. Baahinta iyo
hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda (Decentralisai/on).
kh.
Darnmaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhowridda suuqa xorta ah.
d. Qiimo-weynida nolosha qofka
oo Ia imanaysa sugidda xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.
e. Nabadgelyo iyo habsami kula
dhaqanka dawladaha gobolka iyo adduunweynaha.
IYADDO UU SI
FIICAN U DHUUXAY laf iyo ludba ararta iyo mucda Dastuurka:
Shacbiga
Somaliland waxa uu halkan ku oggolaaday maanta oo taari/khdu tahay
isagoo adduunweynaha halkan ugu caddaynaya inuu Dastuurkan ka
dhigtay Dastuurkiisa Qaran.